Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay guddiyada Doorashada Qaranka, Xuduudaha iyo Federaalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 7, 2015
in Wararka
0
Ifraax Macallin Axmed oo lagu taageeray Billadda xuquuqda Haweenka oo ay u taagantahay”sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa shir guddoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana looga dooday guddiyo ay soo gudbiyeen wasaaradaha kala ah Cadaaladda iyo Arrimaha iyo Federaalka, kuwaas oo dood dheer kadib la ansixiyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa shir jaraa’id  oo uu ku qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka akhiryey, magacyada guddiga adeegga Garsoorka ee ay golaha wasiirrada cod akhlabiyad leh ku ansixiyeen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

“Golaha dhammaan wuu isku raacay, cidna ma diidin cidana kama aamusin, haddii aan idiin akhriyo magacyada  guddiga adeegga Garsoorka, waxaa ugu horeeyey.

Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Abuukaate Maryan Xaaji Cilmi Ibraahim, ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Unnaa Mayee, Bulshada Rayidka  Abuukaate Prof” Ciise Axmed Warsame, ururka garyaqaannada Soomaaliyeed, Axmed Cabdullaahi Xuseen Bulshada Rayidka iyo Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed oo isagana Bulshada Rayidka ah todobaad xubnood ayaa maanta la ansixiyey” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa isagana ka hadlay guddiyada kala ah Doorashooyinka Qaranka iyo Xudduudaha iyo Federaalka , waxaana magacyada guddiga Doorashooyinka Qaranka akhrinaya wasiirka Arrimaha Guduha Soomaaliya.

“Waxaa suuragashay in golaha wasiirrada isku raaco, sagaal qofood ee guddiga Xuduudaha iyo Sagaalka qofoodka ee guddiga Doorashooyinka, waxaan rabaa inaa halkaan ka akhriyo magacyada guddiga doorashooyinka, 1-Saciid Xaashi Warsame 2- Maxamed Xasan Taani 3-Xuseen Cabdi Aadan 4-Saciid Cali Sheekh Maxamed 5-Maxamed Axmed Nuur 6-Caraxmaan Cusmaan Dirir 7-Maxamed Daahir Maxamuud 8-Xaliimo Ismaaciil Cali 9-Khadiijo Cosoble Cali, Sagaalkaan xubnood waa guddiga doorashooyinka oo sida ugu dhaqsiyaha badan Barlamaanka loo horgeyn doono” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya.

Dhan kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa akhriyey magacyada sagaalka xubnood ee guddiga Xudduudaha iyo Federaalka ee ay golaha wasiirrada Soomaaliya Ansixiyeen, waxa uu intaa raaciyey in magacaabidda  guddiyadan dhammaantood lagu saleeyey nidaamka awoodka qeybiosaga Soomaalida ee safar dhibic shan.

Guddiga Xudduudaha oo isaga loo asteeyey in ay ka shaqeeyaan Guddigaas, 1-Muuse Garad Cabdullaahi 2-Liibaan Cali Sahal 3- Maxamed Muxuddiin Sheekh Mursal 4-Dr Cabullaahi Gacal Cabdi 5-Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim 6-Saciido Xasan Cusmaan 7-Xuseen Xaashi Xasan 8-Cabdi Khaaliq Cabdullaahi Xamsa 9-Khaliif C/kariim Maxamed, dadkaasi aad arkeysaan ee 18-ka qofood ah, dhammaantood waxaa lagu saleeyey nidaamka awood qeybisaga ee 4.5, wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Guddiga la shaqeynayey waxa ay guddiga soo mariyeen nidaam dheer, Barlamaanka waxaan ka codsaneynaa in ay Kalsoonid siiyaan guddiyadan.

Guddiyadan saddex ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka, Adeegga Garsoorka, iyo Xudduudaha iyo Federaalka waa guddiga Destuuri ah, kuwaas oo dalka gaarsiinaya nidaam Cadaalad maamul dhisan oo suuban iyo doorashooyin Dimoqoraaddi ah xor ah in ay ka dhacaan dalka sanadka 2016-ka inkastoo ay magcaabistooda qaadatay waqti ka badan sidii loogu  talagalay ee Destuurka ku qoran.

 

 

Previous Post

Guddoomiye “Muungaab” oo kormeeray ololaha nadaafadeed ee ka socda degmada Yaaqshiid

Next Post

Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Next Post
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In