Xag-jirmiada waxaa lagu qeexaa in uu qofku ama kooxdu ka baxdo waxa ay dadku isku raacsan yihiin ee saxda loo wada arko, kuna adkeysto khaladkiisa.
Xagjirimadu waa wax aan ku fiicnayn diinta iyo dhaqanka, shareecaduna way ka digtay.
Kooxaha xag-jirka ah, ka soo bilow khawaarijtii soo baxay xilligii saxaabada ilaa kuwa jira xilligan la joogo, waxay leeyihiin tilmaamo gaar ah oo ay caan ku yihiin.
Barnaamijkeenna Tubta Toosan ee toddobaadkan waxaan kaga hadleynaa Tilmaamaha lagu garto kooxaha iyo shakhsiyaadka xag-jirka ah, waxaana marti noogu ah Sheikh Cali Sheikh Maxamuud ( Sheikh Cali Dheere).