Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa uu kormeeray xaruumaha danta guud ee magaalada Cadaado, waxaana kormeerkiisa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, iyagoo kormeerkooda ka bilaabay Iskuulka sare ee Iftiin, halkaas oo ardaydu ay ku jireen waxbarashadooda, waxaana wasiirku ku dhiiragaliyay ardayda in ay hami sare yeeshaan.

Related posts

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026

Sidoo kale wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa kormeeray xarunta Kafaalo oo ay ku shaqeynayaan Odayaasha dhaqanka ee Ergada shirka soo xulaya, waxaana Guddiga farsamada iyo Odayaashuba gudagaleen diyaarinta wajiga 2-aad ee shirka.

Xaliimo Ismaaciil Gudoomiyaha Guddiga farsamada ayaa sheegtay in ay maanta Odayaasha u qeybiyeen qorshaha ay ku soo xulayaan Ergada dhawaana ay rajeynayaan in ay howshaasi dhamaato.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa isna ka hadlay howsha hortaal ee ah diyaarinta Ergada.

“Maanta waxaa nala soo hordhigay, shuruudihii ergada, iyo sida ay Beeluhu u kala yeelanayaan” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in maanta lagu dagalay diyaarinta Ergada shirka Cadaado.

“Wajigii Odayaasha dhaqanka waa soo gaba-gabeynay, waxaa la idiin soo gudbiyay ergadii, waxaa la idiin soo gudbin doonaa Baarlamaanka, waxaan rabaa inaan idiin sheego tirada ergada iyo Baarlamaanka, waxaa laga doodayay muddo ku dhow hal sano, waxaana ka doodayay xildhibaanada Qaranka iyo wasiirada matala gobolada Dhexe” ayuu yiri wasiir C/raxmaan.

Wafdiga wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa wadatashi la yeelanaya bulshada iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

DSC04401 DSC04402 DSC04403 DSC04405 DSC04407 DSC04412 DSC04413 DSC04414 DSC04417 DSC04419 DSC04420

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdi Diirshe

Previous Post

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka mashaariicda...

Laamaha amniga oo ku raad-jooga shaqsiyaad fal anshax xumo ah kula kacay gabadh Soomaaliyeed

Laamaha amniga oo ku raad-jooga shaqsiyaad fal anshax xumo ah kula kacay gabadh Soomaaliyeed

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa wada baadi-goob xooggan oo lagu raadinayo eedeysanayaal ku eedeysan falal xadgudub ah oo ka dhan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In