Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 16, 2015
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa uu kormeeray xaruumaha danta guud ee magaalada Cadaado, waxaana kormeerkiisa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, iyagoo kormeerkooda ka bilaabay Iskuulka sare ee Iftiin, halkaas oo ardaydu ay ku jireen waxbarashadooda, waxaana wasiirku ku dhiiragaliyay ardayda in ay hami sare yeeshaan.

Related posts

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025

Sidoo kale wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa kormeeray xarunta Kafaalo oo ay ku shaqeynayaan Odayaasha dhaqanka ee Ergada shirka soo xulaya, waxaana Guddiga farsamada iyo Odayaashuba gudagaleen diyaarinta wajiga 2-aad ee shirka.

Xaliimo Ismaaciil Gudoomiyaha Guddiga farsamada ayaa sheegtay in ay maanta Odayaasha u qeybiyeen qorshaha ay ku soo xulayaan Ergada dhawaana ay rajeynayaan in ay howshaasi dhamaato.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa isna ka hadlay howsha hortaal ee ah diyaarinta Ergada.

“Maanta waxaa nala soo hordhigay, shuruudihii ergada, iyo sida ay Beeluhu u kala yeelanayaan” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in maanta lagu dagalay diyaarinta Ergada shirka Cadaado.

“Wajigii Odayaasha dhaqanka waa soo gaba-gabeynay, waxaa la idiin soo gudbiyay ergadii, waxaa la idiin soo gudbin doonaa Baarlamaanka, waxaan rabaa inaan idiin sheego tirada ergada iyo Baarlamaanka, waxaa laga doodayay muddo ku dhow hal sano, waxaana ka doodayay xildhibaanada Qaranka iyo wasiirada matala gobolada Dhexe” ayuu yiri wasiir C/raxmaan.

Wafdiga wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa wadatashi la yeelanaya bulshada iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

DSC04401 DSC04402 DSC04403 DSC04405 DSC04407 DSC04412 DSC04413 DSC04414 DSC04417 DSC04419 DSC04420

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdi Diirshe

Previous Post

Ogeysiis:- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Qaadanaya Arday Ka Baxday Dugisyada Sare

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MARKA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta deegaanka Shalambood oo hoos yimaada, degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa...

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Joogtada ah ee UNDP...

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

CXD oo hawlgal ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD:- Ciidanka xoogga dalka ayaa howlagal gaar ah ka fuliyay deegaanada hoostago degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud,halkaas oo wali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In