Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka oo booqatay Jaamacadda SIU, Kulana La Qaadatay Gabdhaha Wax Ka barta Jaamacadaasi “DAAWO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka oo booqatay Jaamacadda SIU, Kulana La Qaadatay Gabdhaha Wax Ka barta Jaamacadaasi “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa kormeer howleed ay ku tegtay Jaamacada SIU waxa ay u jeedkeedu ahaa sidii ardayda gabdhaha ee dhigata Jaamacadda kulayadaheeda kale duwan ugu dhiiri gelin lahayd doorka horumarineed ee ay ka qaadan karaan dalka, iyadoo kulan la qaadatay Hormuudka Jaamacada SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim, waxaana intaasi kaddib ay hoolka Jaamacadda kula hadashay ardayda Jaamacadda.

Kulanka ay maanta Wasiirka Haweenka la qaadatay gabdhaha ardayda Jaamacadda SIU waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda, waxaana ay Marwo Sahro ka hadashay doorka gabdhaha waxbartay uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Mid ka mid ah ardayda Jaamacadda SIU oo ku hadlaysay magaca gabdhaha ee Jaamacadda ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanyihiin sida ay maanta Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka u soo booqatay Jaamacadda SIU, qeybteeda ku taala KM4, waxaana ay tiri.

“Anigoo ku hadlaya magaca ardayda meeshan fadhisa, tani waa wax aan horey loo arki jirin, waan bogaadineynaa, waana ku mahadsantahay markale, waxaad tahay tii aan dowladda ka fiirsaneynay, waxaan kaloo kaaga mahadcelineynaa balanqaadyadii aad noo sameysay”.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim oo goobta hadal ka jeediyay ayaa Marwo Sahro uga mahadceliyay balanqaadka ay u sameysay ardayda Jaamacadda ee ku aadan in ardayda waxbartay lagu dhiiri gelin doono deeqo waxbarasho oo ay kaga faa’iideysan karaan inay sii horumariyaan waxbarashadooda.

“Markale iyo markale arrinta aad ka dhawaajisay ee ah in ardayda laga caawiyo ee aan dhaqaalaha aaan iska dhiibi karin, la caawiyo aad ayaan u soo dhaweyneynaa, waxaan rabnaa in aan Wasiirka la wadaagno, 814 arday oo aan lacag bixin ayaa Jaamacadda dhigta, nambar nagu badan waaye, boqol jeer ayaan oga mahadcelineynaa garashadeeda qaaliga ah, dareenkeeda dadnimo iyo iyadoo ku hadlaysa magaca dowlada in la caawiyo ardayda, anaga mas’uuliyad ayaa naga saaran in agoonta iyo dadka masaakiinta ee aan waxba haysanin in aan caawino”.ayuu yiri Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa tilmaantay in ay aad ugu faraxsantahay in gabdho Soomaaliyeed oo waxbartay ay kulan la qaadato, waxaana ay ku boorisay inay gacan qabtaan gabdhaha kale ee aan fursadda u helin waxbarashada.

“Anigoo idiin ka codsanaya, in  aad ka qeyb qaadataan gabadhaha kale ee aan waxbaran aan shaqo u abuurno, waxaan la’nahay dad expert ah, marka gabdhaha walaalihiina aad waxbartaan oo waqtiga ka lumay ee qaxooti ahaan u maqnaa aad caawisaan, maqsuud ayaan idinka ahay mar labaad, sii wada dhidibadan u adkeeya waxbarashadiina”.ayay tiri Marwo Sahro.

Ugu dambeyntii Wasiirka Haweenka ayaa shaacisay in ardayda waxbaraneysa lagu dhiiri gelinayo deeqo waxbarasho oo fursad siineysa inay sare u qaadaan aqoontooda waxbarasho, ayna ka Wasaarad ahaan gacan ka geysaneyso sidii ardayda kuwooda dadaalka badan u heli lahaayeen deeqo waxbarasho.

“Waxaan rabaa in aan dowlad ahaan balan qaad sameyno, qofkii waxbarashadiisa ka soo baxa, xaq waxa uu u leeyahay dadaalka siyaadada ah ee uu sameeyay inuu helo Scholar ship, wixii taasi dhiiri gelineysa in dad badan dadaal sameeyaan, hadii aad soo baxdo dabcan waa inaad heshaa scholar ship” ayay tiri Wasiirka haweenka.

IMG_1471  IMG_1474 IMG_1476 IMG_1479 IMG_1483 IMG_1485 IMG_1486 IMG_1489 IMG_1492 IMG_1496 IMG_1499 IMG_1501 IMG_1504 IMG_1509 IMG_1510 IMG_1511 IMG_1514 IMG_1515 IMG_1517 IMG_1522  IMG_1536 IMG_1542 IMG_1545 IMG_1547 IMG_1549 IMG_1553

IMG_1487IMG_1531IMG_1551IMG_1555IMG_1558

ol

Sawir Qaade:-Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In