Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay xuska 72-guuradii ka soo wareegtay aas aaska ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL 15-May sanadkii 1943-dii ayaa lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimada Dalka Norway, waxaana munaasadaas soo agaasimay xarunta Nabadda iyo Hormarinta ee Grace, fadhigeedunayahay magaalada Oslo.
Tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galayay kooxaha kala ah Xorriyo iyo Rajo, waxaana ay labada koox soo badhigeen cayaar aad u xiiso iyo xamaasad badneyd, iyadoo koox walibay ay dadaal adage ugu jirtay in ay tan kale dhinaceeda dhulka dhigto, hayeeshee cayaarta ayaa waqtigii loogu talo galah ku soo idlaatay bar bardhac.
Agaasimaha xarunta Nabadda iyo Hormarinta ee Grace Mudane C/qaadir Faarax Diiriye (Carab) oo ugh danbeyntii ka hadlayay casho sharaf loo sameeyay kooxihii ka sooqeyb galay tartanka Kubadda cagta ayaa sheegey in Munaasada 15 May ay tahay Maalin mudan in laxuso, isla markaana ah maalin kuweyn Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada oo ay tahay in Maanta ay dhalinyarada Soomaliyeed ay layimaadaan Isbadel muuqda oo ay ku hormarinaayaan Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.
“15-ka May waa maalin ku weyn dhallinyarada Soomaaliyeed, inaan ku soo dhaweyno munaasabado nuucaan oo kale ah iyo kuwa ka waaweyn, waxa ay iitahay farxad, waxaana aan leeyahay Hambalyo, guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiin, waxaan auga mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay tartanka” ayuu yiri Guddoomiye Carab.