Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeeenka dalka oo ka qayb galay Kulan amaanka looga hadlay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 20, 2015
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeeenka dalka oo ka qayb galay Kulan amaanka looga hadlay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan xalay lagu qabtay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Kumaanda Buluusiya  ayaa waxaa ka qayb galay ku xigeeenka ra’iisul wasaaraha dalka mudane Maxamed Cumar Carte,wasiirka amniga gudaha mudane Cabdi risaaq Cumar Maxamed ,gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,taliyaasha booliska iyo NISA sidoo kale saraakiisha booliska iyo nabadsugida qaybahooda kala duwan waxaana ajandihiisu ahaa shirkaas ka hadalka amaanka dalka si gaar ah magaalada caasimada ah ee Xamar.

Kulanka oo uu furay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed gen Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa waxaa uu ku bilowday is barasho saraakiisha iyo mas’uuliyiinta u dhexeysa ka dibna waxaa la guda galay muhiimada shirka saraakiisha  ayaa mid mid looga dhageestay talooyinkooda la xiriira amaanka iyadoo la soo bandhigay dukumenteri muujinaya shaqada boolisku hayo.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay kulankaas ayaa waxaa uu la dar daarmay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dalka ee kulanka la qaatay waxaana uu u soo jeediyay in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan isla markaana la dar dar galiyo sugida amaanka iyo hortaga UGUS.

Shirkaan oo qaatay mudo 4 saacadood ka badan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta qaranka la hadlay taliyaha hugaanka howlaha booliska sareeye guuto Axmed Xasan Maalin.

“Shir ayaa waxaa isugu yimid taliska ciidanka booliska ,ra’isul wasaare ku xigeeenka wasiirka amniga ,duqa magaalada ,taliyaha ciidanka booliska iyo taliyaha nabad sugida shirkaas oo looga hadlayay amniga sidii amniga loo hormari lahaa sidii looga shaqey lahaa,howlo badan oo amniga quseeya ayaa looga hadlayay hade shirku waxaa uu ku dhamaaday si afgarad ah oo wanaagsan, waxaana looga hadlayay wanaaga iyo shaqada hay’adaha dowladda, waxaana la isla gartay amniga si wada jir ah in looga shaqeeyo iyadoo aan la dhihin kanaa boolis ah kanaa nabad sugid ah ama kanaa gobol ah, maamulka gobolka,boliiska iyo nabad sugida si wada jir ah in ay u wada shaqeeyaan”ayuu yiri Maalin.

Kulamada amaanka looga hadlayo ayaa maalmahaan waxaa ay ahaayeen kuwo joogto ah habeen uun ka hor ayayna ahayd markii si wada jir ah ay shir kan la mid ah uga qayb gtaleeen xarunta hay’ada NISA ra’iisul wasaaraha dalka iyo  ku xigeenkiisa waxaana ay qayb ka yihiin iskaashiga dar dar galinta howlaha amaanka lagu sugayo ee ka dhaxeeya madaxda sare iyo hay’adaha amaanka.

6 1 2 3 4 5

SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE 

Previous Post

barnaamijka badbaadinta iyo gurmad qaxootiga Yemen oo Dhaqaale loogu yaboohayo, toos u wac Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Difaaca oo dadaal ugu jira dhismaha ciidan Qaran

Next Post
Wasiirka gaashaandhiga oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland

Wasiirka Difaaca oo dadaal ugu jira dhismaha ciidan Qaran

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In