Saturday, August 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Hormuud Foundation Oo Boqol Kun Oo Dolar Ugu Deeqday In Lagu Caawiyo Qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 20, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Hey’adda Hormuud Foundation Oo Boqol Kun Oo Dolar Ugu Deeqday In Lagu Caawiyo Qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa  Guddiga Badbaadinta iyo samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen ugu Deeqay deeq lacageed oo gaareysa 100,000(boqol kun oo dolar) oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Dalka Yemen.

Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo goor dhow la hadlay Radio muqdisho ayaa u sheegay in Hey’adda Hormuud Foundation ay ugu deeqday lacagtaasi in lagu caawiyo dadkaasi Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen, waxaana Hey’adani uu ku ammaanay caawimaada ay caawineyso dadkaasi, isagoo xusay in loo baahanyahay hey’adaha,ganacsatada, iyo cid kasta oo wax heysata in ay caawiyaan dadkaasi oo u baahan caawimaad dhab ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxaa uu ka hadlay 24-kii saac ee la soo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay guddiga oo uu sheegay in maanta kulamo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir oo uu xusay in uu balanqaaday in ay siinayaan dhulal Qaxootiga Yemen ee Soo gaaraya Muqdisho kuwaa oo ay dagi doonaan

Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay la kulmeen islamarkaana uu umuujiyay sida ay ugu go’antahay garab istaaga Qaxootiga Soomaaliyeed Yemen, waxaana uu xusay in shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada laga jari doono qidmooyin lagu caawinayo dadkaasi

dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa waajib uu ka saaran yahay in ay ku dadaallaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dadka qaxootiga ah ee walaalahooda, waanna midda kaliyah ee muujineysa Soomaalinimada qiimaha ay leedahay.

Previous Post

Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Ugu Furmay Beledweyne “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In