Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed ku saabsan shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 23, 2015
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed ku saabsan shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood cilmiyeedkani maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Ximan iyo Xeeb, Galmudug, Ahlusunna waljamaaca, Aqoonyahano iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaana looga dooday habsami u socodka shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud, sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha jira iyo xalinta cabashooyinka jira.

Dood cilmiyeedka ayaa waxaa furay madaxwayne ku xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Axmed-nuur, isagoo sheegay inay muhiim tahay doodan loona baahan yahay in had iyo jeer la badiyo wadatashiga bulshada.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Xasan Maxamed Hayl ayaa isna furitaanka doodan ka sheegay in ay ka soo bixi karaan talooyin wax ku ool ah.

Intaasi kadib aqoonyanada kulankani hagayay ayaa gudagalay inay ka doodaan qaabka shirku uu u socdo iyo talooyinka ay ku biirinayaan.

Dr C/qaadir Maxamed Geedi oo ka mid ah aqoonyahanada dood cilmiyeedka ayaa yiri”

“Fursadaha la heysto waxaa ka mid ah in dhamaan qeybihii shirkan ka qeyb gali lahaa ay xaadir yihiin oo ay Cadaado joogaan, oo ma jirto cid gabi ahaanba shirkan cid kabaxday oo qaadacday, cabasho waa jirtaa”

Dood cilmiyeedkan oo maalinta beri ah la soo gabagabayn doono ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin wax ku ool ah oo xoojineysa  habsami u socodka shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

DSC04456 DSC04459 DSC04462  DSC04467 DSC04470 DSC04471 DSC04472 DSC04473 DSC04476 DSC04478 DSC04479 DSC04481 DSC04483 DSC04485 DSC04488 DSC04490 DSC04494 DSC05590 DSC05592 DSC05594 DSC05597 DSC05600 DSC05604 DSC05605 DSC05609

 

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdi Diirshe

 

Previous Post

Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho Iyo Tartan Dhex Maray Degmooyin “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In