Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ Oo Cambaareysay Caburinta Lagu Hayo Wariyeyaasha Ka Howlgala Deegaannada Ay Maamulaan Puntland Iyo Ahlu sunna

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 23, 2015
in Wararka
0
Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dhibaatooyin ka soo food saaray Wariyeyaasha Soomaaliyeed maamulada dalka ka jira oo maalmihii la soo dhaafay soo wajahayay.

War Qoraal Ah oo ka Soo baxay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ ayaa lagu cambaareeyay caburinta xariga iyo cabsi galinta maamulka Ahlusunna Waljamaaca uu ku hayo Suxufiyiinta ka howlgala Guri-ceel oo uu sheegay in ay xireen maamulkaasi idaacadda Radio Galgaduud, iyo xariga loo geystay wariyaha warbaahinta Qaranka ee Guri-ceel Osman Mohamed Adan oo aakhirkii saakay ka soo masaafuriyay magaaladaasi islamarkaana Muqdisho ku sugan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Sidoo kale NUSOJ ayaa cambaareeysay  Xariga Maamulka Puntland ay u geysteen Agaasimaha Idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo waliba Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ah shaqaalaha xarunta Daljir ee Garowe oo uu sheegay in maamulka Puntland uu ka codsanayo in ay ilaaliyaan xoriyadda saxaafada islamarkaana ay ka daayaan caburinta.

“Waxaan cambaareyneynaa, maamulada Puntland iyo Ahlusunna oo isku day cad looga gonleeyahay aamusin, xorriyadda saxaafadda ay ka mid yihiin xarig yo iyo xiritaanka xaruuma warbaahineed.”

“Maamulka Puntland iyo Ahlu sunna waa in ay tixgaliyaan xorriyadaha warbaahinta islamarkaana ay joojisaa caburinta  ayna  ogolaadaan warbaahinta iyo suxufiyiinta  xoriyadooda.

Maamulka Puntland 20-ka May 2015 ee Arbacadii la soo dhaafay ayaa xiray, xafiisyada  telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) ee Puntland. taasi oo ay ay ku sheegtay NUSOJ mid niyad jab ku ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.

21 May 2015, maamulka Puntland ayaa amray in la xiro Wariye Jaamac Deperani, oo ka mid ah wariyeyaasha ka shaqeeya deegaannada maamulka Puntland una shaqeeya TV-ga Somali Channel oo fadhigiisu yahay London.

 

 

Previous Post

Wasiirka Haweenke Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaartay Gaalkacyo “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In