Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deeq la gaarsiiyay dadkii soo cararay Yemen ee ku sugan Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 26, 2015
in Wararka
0
 Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeq igu jirta Joodariyaal iyo Raashin ayaa loo qeybiyay qoysas isugu jira Soomali iyo Yemeniyiin  dhawaan dib u dajin loogu sameeyay degmooyinka Shibis iyo Degmada CabdulCasiis ee gobalka Banaadir kaddib markii ay ka soo carareen dalka Yemen.

Boqol lixdan iyo saddex qoys uu ku sugan degmada Shibis ayaa la gaar siiyay joodariyaal ay ku seexdan. Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaarsiiyay qoysas dhawaan dib u dajin loogu sameeyay degmada Cabdalcasiis. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa iska soo uruuriyay deeqdan.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada qaranka Soomaliyed Faadumo Cabdi Warsame oo la hadashay warbaahinta ayaa ugu baaqday dadka dhaqaalaha heysta  in ay ka qeyb qaatan gurmadkan.

 “Waxaan leeyahay ummadda Soomaliyed waxaa lagu yaqaana dad is caawiya, dad isku tabaruca, dad geesi yaal ah ee aan ka baqanin nolasha adag ay Soomalidu soo martay.  25 sano waxey kaga badbaaday kan dalka jooga iyo kan dibadda jooga, waxaan leeyahay Sheekh Al-Yuusuf shirkada waxa ay garatay inay dadka kale ee Soomaliyed gartaan.

Guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxidiin Cali Cariif  oo la hadlay  warbaahinta qaranka ayaa ku boorriyay dadka dhaqaalaha heysta in hantidooda ay ku caawiyaan walalahooda Soomaliyed iyo kuwa reer Yemen ee ku dhibaatesan gudaha dalka.

“Qof kaste oo Soomali waxaa laga rabaa hantida uu Ilaahey siiyay in ummadda masaakinta ah kuwaan kali ma ahanee cid kasta oo baahan oo  Soomali in loo gargaaro loo baahan yahay,  cid kasta  oo Soomali oo Muslim ah oo dhibaateysan in loo gar gaaro ayaa loo baahan yahay,  waxaan leenahay  dadka hantida leh oo Ilaahey hantida siiyay hadhow(Aakhiro) waa la weydiinaaya”.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Cumar “Koos” ayaa Tilmaamtay in dadka Soomaliyed looga baahan yahay in ay gudaan abalkii ay u galeen dadka ree Yemen markii ay u qaxeen.

“Walaaleyaal hala iskaashado dowlada iyo dadka Soomaliyeed, dalkaan ceelna uma qodna cidna uma maqna, waa dadkiini kuwa dalka jooga iyo kuwa dibada joogoo soo eega dadkana wax siiya.  1$ wax bey tartaa labaatan kun oo shilina waxbey tartaa, shan kuna waxbey tartaa, qof walba waxuu Ilaahey kuu dhiibay ee waxaad cuneyso maanta dheer (ka badan) walaal iska soo bixi, waxaan leeyahay ummadda Soomaliyed iyo ummudda muslimiinta  oo dhanba Ilaahey dagaallada ragaadiyay Allaha ka dulqaado”

Tan iyo markii ay Soomaliya soo gaareen dadka ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen, waxaa gudaha dalka ka socday olole loogu gurmanayay dadka Soomaliyed iyo kuwa Yamaniniiyinta ee ka soo imanaya rabshadaha ka kasocda waddankaasi.

Previous Post

Ra’iisl Wasaaraha oo ku sii jeeda Kismaayo

Next Post

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Next Post
Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo joojinta gudniinka Fircooniga oo Muqdisho ka furmay

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In