Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 28, 2015
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28, May, 2015….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ugu kicitimay dalka dibadiisa, wuxuna magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doonaa deeq bixiyayaasha caalamka, halka magaalada Geneva uga qayb galayo shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Aduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalinka barito ah kulan balaaran kula qaadanayaa magaalada Nairobi  deeq bixiyayaasha caalamka, isagoona warbixin ka siinaya horumarada ay samaysay dowladda Soomaaliya iyo warbixino ku aadan meelaha mudnaanta u leh in laga caawiyo.

Related posts

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025

“Waxaa noo qorshaysan inaan caalamka la wadaagno gaabiska ku yimid barnaamijkii Soomaaliya loo soo marinayey deeqaha ee New Deal, kaas oo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kale oo deeq bixiyayaasha caalamka uga warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero”ayuu yiri mudane Carte.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb galaya shirka  104-aad ee  shaqaalaha aduunka, Shirkan ayaa waxaa looga hadalyaa sidii ay u noqon lahaayeen shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel dhexaadka ah kuwo wax soo saar leh, lana yimaada shaqo abuur, iyo ilaalinta shaqaalaha iyadoo dabagal lagu samaynayo cahdigii Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO) ee la saxiixay sanadii 2008.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya 185 dowladood oo xubno ka haa Ururka Shaqaalaha Aduunka, waxaana  sanad kasta la qabtaa horaanta bisha June.

—-DHAMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

 

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Qubaro iyo mas’uuliyiin ka socotay Q. M.

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyay Abuuja “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyay Abuuja “Sawirro”

Madaxweynaha Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyay Abuuja "Sawirro"

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga shacabka gobolka...

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In