Wednesday, June 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Balcad oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii uu ku fatahmay webiga Shabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 30, 2015
in Wararka
0
Shacabka ku nool Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka cabsi qaba fatahaadda webiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Balcad ee gobalkan Shabeellaha dhexe ayaa kormeer howleed ku tegay meelaha uu fatahaadda ka geystay webia Shabeelle, si uu ugu kuurgalo saameynta fatahadaha ay ku yeesheen dalagyadii beeraha.

Tuulooyinka Xawaadleey iyo Jameeco oo hoosyimaada Degmada Balcad oo ah goobaha ay saameeyeen fatahaadaha waxaana uu wabiga ku fatahay beero ku yaalay Tuulooyinkaasi oo ku beernaa dalagyo kala duwan iyo guryo ay daganaayeen dadka ku dhaqan tuulooyinkaasi kuwaasi oo hada aan heeysan meel ay hooy ka dhigtaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025

Dadka tuulooyinkoodi iyo beerahoodi ay saameeyeen biyaha webiga oo ku fatahay ayaa u sheegey mas’uuliyiinti maamulka degmada in dhibaato ay ka soo gaartay fatahaadaha uu sameeyey webiga Shabeele ugana waramay xaaladooda.

Gudoomiyaha tuulada Xawaadley Cabdulle Macaan Adeerow ayaa sheegay in tuulada Jameeco ay ka barakaceen in kabadan labakun oo Qoys, wuxuna baaq u diray Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gar gaarbixiya.

“Dhibaatada ka dhacday Tulooyinka waxaa koow ka ah Xaafadan Jameeco oo ka barakacay labo kun oo qoys marka, waxa ay u baahan yihiin dadkani gar gaar in  la la soo gaaro” ayuu yiri Cabdullaahi.

Guddoomiyaha degmadda Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud Saneey oo arrimahasi ka hadlayay ayaa codsaday in laga caawiyo bulshada dhibaatooyinka fatahaada.

“Waxaan cod saneeynaa in dadka samafal loosameeyo haddii ay tahay dowladda, hadii ay tahay dhinaca hay’adaha deeqaha bixiya iyo cidkasta oo wanaaga wax ku baxsaneeysa”ayuu yiri Guddoomiyaha.

In tabadan fatahaadaha uu sameeyo webiga Shabeelle ayaa saameeya dalagyada beeraha, taasi oo dhibaato ku ah nolosha dadka beeralayda, ayadoo dadkan laga dheehan karay wejiyohooda sida ay uga murugoonayaan dhiaatooyinka biyuhu ay geysteen.

Previous Post

Waddooyinkii ku xirmay roobadkii ka da’ay Beladweyne oo dib u dayactir lagu bilaabay

Next Post

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo Cadaado lagu soo dhaweeyay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo Cadaado lagu soo dhaweeyay “SAWIRRO”

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo Cadaado lagu soo dhaweeyay "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta...

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

June 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In