Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barakacayaal ku sugan Kismaayo oo loo qeybshay raashin gargaar ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barakacayaal ku sugan Kismaayo oo loo qeybshay raashin gargaar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeq raashiin ah ayaa maanta loo qeybiyay Dadka danyarta ah ee ku tabaaleesan gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan dadkii uu saameeyay roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada kismaayo ee barakacayaasha ahaa ayaa waaxaa deeqdaasi gaarisiiyay  mas,uuliyiinta maamulka Jubba oo uu horkacayaay madaxweyne ku-xigeenka maamulka jubaland iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka.

Deeqda oo ka timid Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa la soo gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah ee ku abaaleesan gudaha magaalada kismaayo.Ugu horeen ayaa goobta waxaa ka hadashay wasiirka haweynka iyo Arimaha qoyska ee maamulka jubaland Qamar Deeq Xaaji Khaliif.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

“ee manta waxaa farxad weyn noo ah in dadkii barakacayaasha ahaa ee badar 2 iyo badar 1 ahaa ay halkan jogaan een macaawino loogu talagalay ee nooga timi wadanka emaaraatka carabta, oo ay ugu tala galeendadka masaakiinta ah inaan manta halkan ku bixineeno anagoo ahmaamulkii marka waxaa aad iyo aad bay u mahadsan yihiin maaratka
idinkana waxaan idin leeyahay illahey dhibka ha idinka qaado waxaan iyo wax ka badana waan idinkaga fadhinaa dowladaha kale ee islaamka waxaan leenahay gurmadkaan iyo gurmad la mid ah ayaan idinka rabnaa” ayeey tiri wasiirka haweenka ee maamulkaasi

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubaland Suldaab C/qaadir Xaaji Maxamuud luga dheere ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay.

“Macaawinada nooga timid walaalaheena saaxiibadeena qaaliga ah ee Dowladda Imaaraatka Carabta gaar ahaan bisha cas, aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineenaa saaxiibtinimada iyo walaal nimada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowladda Imaaraatka ha guuleesto” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi

Ugu dambeentii ayaa waxaa goobtasi hadalo mahadcelin ka soo jeediyay qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa  ee raashiinka loo qeybiyay .

“Jubaland ayaan u mahadcelineena illaah ayaa wax na siiyay ayagaa wax na siiyeen  iyo carbtii wax soo dhiibtay guul allah ka siiyo” “Waxaan idinka codsanayaa si sharaf leh oo amaan leh ayaad wax noogu qabateen intaa iyo in ka badan inaad wax inoogu qabataan ayaan idinka codsanayaa”

Deeqda raashiin ee manta loo qeybiyay dadka danyarta ah ee ku tabaaleesan gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan goobaha barakacayaasha ay dagan yihiin ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti maalmo ka hor uu ka da’ay roob xoogan kaas oo saameen ku yeeshay dadka danyarta ah iyadoona Madaxweynaha Maamulka Jubaland Sh.Axmad Maxamed Islaam Axmad Madoobe uu kormeer ku tagay todobaadkii hore dadka barakacayaasha ah iyo goobaha uu saameeyay roobabkaasi uu u balan qaday in deeq raashiin la  gaarsiin doono iyadoona manta Madaxweynaha Maamulka Jubaland uu ka dhabeeyay balanqaadkiis islamar ahaantana dadka shacabka ah ee barakacayaashan deeq rashiin ah la gaarsiiy

Previous Post

Xildhibaano mooshin ka keenay darbiga Kenya dhiseyso

Next Post

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo booqday dhaawacyo la keenay Isbitalka Banaadir

Next Post
Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo booqday dhaawacyo la keenay Isbitalka Banaadir

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo booqday dhaawacyo la keenay Isbitalka Banaadir

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In