Guddoomiyaha degmadda Waabari ee gobolka Banaadir ayaa kulan qado sharaf ah u sameeyay caruurta araga la’ ee dhigta dugsiga Al- Basiir iyagoo kulankaasi goob joogka ahaayeen macalimiinta dugsiga gacanta ku haya waxaa uuna gudoomiyuhu xog wareysi kala yeeshey xaalada carruurta iyo nolosha ay ku nool yihiin.
Maamulaha Iskuulka Al-Basiir Abiikar Xuseen Bashiir oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in carruurta waxbarashada dugsigan ay daruuf kala duwan oo dhanka nolashada ay ay qabaan isagoona mahadcelin u jeediyay gudoomiyaha maamulka degmada Waaberi.
“Waxan u mahadcelineynaa gudoomiyaha degmada Waabari oo aad uga warqaba mar walba caruurtani xaaladooda waana ku faraxsanahey waana shaqsi maamulka gobolaka ka mid ah oo aad inooga warqaba”. Ayuu yirir maamule Abiikar.
Amal Cabdullaahi Axmed waa gabar ka mid ah caruurta araga la’a ee dhigata Iskuulka Al basiir ayaa si weyn u soo dhaweysay qadada uu u sameeyay gudoomiyaha degmada iyadoo sheegtay in ay farxad weyn u tahay arintan.
Gudoomiyaha maamulka degmadda Waabari Axmed Muumin Maxamed oo ugu dambeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqey madaxda dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iney dhalinyaraddan ka taageeraan dhanka waxbarashadda loona helo goobo waxbarasho oo ku haboon.
“Qof walba oo muwaadin ah waxa uu masuuliyadi ka saarantahey gacan buuxda inuu siiyo caruurtan araga la’a waxeyna xaq uleeyihiin sida kuwa araga leh sidey wax u helayaan waxana ugu baqeynaa madaxda dowladda iyo muwaadiniinta soomaaliyeed sidii looga saacidi lahaa”. Ayuu yiri Muumin.
Talaabadan uu qaaday gudoomiyaha maamulka degmada Waaber oo uu qadada ugu sameeyay carruurta araga la’ ayaa ah mid dhiirigelinaysa carruurtan Soomaaliyeed oo u baahan in la taageero mana ahan markii ugu horeysay oo carruurta araga la’ uu taageero u muujiyo waxaa sidoo kale taageero la taaban karo u muujiyay wasiirkii hore ee warfaafinta ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Sawir Qaade: Maxamed Ibraahim Raage