Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarashada oo xaqiijinta Amniga imtixaanka kala hadashay Boliiska

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda waxbarashada oo xaqiijinta Amniga imtixaanka kala hadashay Boliiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani maanta xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Wasiirka waxbarahada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan Saraakiisha Boliiska, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira imtixaanaadka mideysan oo ay wasaaradu wado.

Inta kulanka uu socday ayaa Wasiirka waxbarashada iyo Saraakiisha Ciidanka Boliiska waxa ay isla gorfeeyeen sida ugu wanaagsan ee ciidamada ay hubin karaan decumentiiyada imtixaanaadka mideysan iyo xaqiijinta ammaanka mudana imtixaanka uu socdo, iyadoo saraakiisha si buuxda ay u balanqaadeen in door muhiim ay ka qaadanayaan arintaasi.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo kulanka kadib la hadlay Radio Muqdisho Iyo SNTV ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka dhexmaray Taliska Boliiska iyo Wasiirka Waxbarashada.

“Waxaa sharaf noo ah mas’uuliyiinta waxbarashada ay nagu soo booqdaan xarunta Taliska Boliiska oo ay hogaamneyso wasiirka waxbarashada Khadro runtii arinta aan ka wada hadalnay arin taariikhda Soomaaliyeed gali doonta 25 sano ka badan in imtixaan mideysan la qaado ee dugsiyada sare waa la soo dadaalay waxbarashada waa la soo horumariyay daladaha dadaal badan ayay soo galeen hadda xiligi Dowladnimada la horumarin lahaa ayaa la taaganyahay”. ayuu yiri Taliyaha Boliiska.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadro Bashiir Cali  ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka wada hadleen iyada iyo saraakiisha Boliiska sida ay u wajahayaan sugida ammaanka iyo hubinta Imtixaanka mideysan oo wasaarada ka qaadeyso dugsiyada Sare .

“Waa u jeedaan in maanta marti aan u nahay Taliyaha ciidanka boliiska iyo saraakiishiisa si aan ugula hadalno sugida amniga goobaha imtixaanaadka mideysan lagu qaadayo talooyin badan waan is weydaarsanay waxaana jeclahay in wax walbo ay hagaagi doonaan”. ayay tiri Wasiir Khadro.

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ayaa imtixaanaadka mideysan oo ay qaadeyso waxa muhiim uu u yahay umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed taasi oo qeyb ka ah horumarada xolwiga uu dalka ku tilaabsanayo, waxaana imtixaan mideysan in la qaado uu saldhig u yahay dowladnimada oo soo laabaneysa.

vlcsnap-2015-06-07-13h23m26s169 vlcsnap-2015-06-07-13h23m37s56 vlcsnap-2015-06-07-13h23m45s144 vlcsnap-2015-06-07-13h24m01s10 vlcsnap-2015-06-07-13h24m09s102 vlcsnap-2015-06-07-13h24m23s4 vlcsnap-2015-06-07-13h24m30s83 vlcsnap-2015-06-07-13h24m38s158 vlcsnap-2015-06-07-13h24m54s63 vlcsnap-2015-06-07-13h25m08s204

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In