Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa Kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah duubabka Soomaliyed oo uu kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse kaas oo ka dhacay xarunta maamulka gobalka ee degmada Hiliwaa ee gobalka Banaadir.
Odayaasha Dhaqanka iyo Salaadiinta Soomaliyeed oo maanta Duqa Magaaldu qadada u sameeyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Imaam Maxamed Yuusuf iyo Cali Maxamud Cali Ugaas iyo odayaal dhaqan oo kala socday inta badan beelaha Soomaaliyeed.
Boqor Burhaan Boqor muuse oo ka hadlay Kulanka ayaa kula dardaarmay umadda Soomaaliyed ee ku nool dalka iyo dibada in si wadajir ah ay ugu wada qeyb qaatan adkeyta nabad galiyada iyo dib-udhiska dalka.
“Waxaa la idin ka rabaa dhamaantiin in aad keentaan fikir uu wadankeena ku hagaagsanayno oo aan gacamaha is qabsano oo aan baajino dhiiga Soomaaliyeed ee daadanaya in aan raadino sidii muwaafaqo aan ku heli laheyn, inta badan dhulkii aan soo maray umadda Soomaaliyeed ee ku nool hilow iyo jeceyl ayay wadanka ku qabaan”. ayuu yiri Boqor Muuse.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir Mudane Xasan Maxameed Xusen “Muungaab” oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in maamulka gobalka Banaadir iyo duubabka Soomaliyed uu ka dhaxeeyo wada shaqeyn wanaagsan isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay magaalada midnimada Soomaaliyed.
“Anaga maamul ahaan waxaa naga go’an marwalba in ay Muqdisho ku soo laabato muqdisha deydii,muqdisho maqaab keedi soo ceshato bilicdeydii muqdisho waligeed waa tii ahaan jirtay go gol Soomaaliyed ay noqoto oo Soomaalida gobaladooda iyo degmooyinkooda iyo tuuladooda in ay dhistaan waa loo baahan yahay xarun mideysa iyo calan mideeya iyo hal madaxweyne oo mideeya waa lagama maarmaan”. ayuu sheegay Muungaab.
Maamulka gobalka Banaadir ayaa kulankani qadada ah uu la qaatay qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyed ayaa qeyb ka ah kulamada ay mas’uuliyiinta mamaulka gobalka ay la yeelanayaan dadka Soomaaliyed si ay door ugu qaadan lahaayeen horumarka dalka gaar ahaan gobalka Banaadir.