Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo ka warramay xaaladda Markabkii loo diray Soomaalida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Markabkii dowladda u dirtay Yemen oo ku xirtay dekadda Mukallah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, Axmed Suudaani ayaa sheegay in maanta ay ka rajo qabaan inay billaabaan howsha lagu soo rarayo Markab ay dowladda Soomaaliya u dirtay dalka Yemen si uu u soo qaado dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaallada ka socda waddankaasi.

Axmed Suudaani oo ku sugan dekadda Mukalla ee dalka Yemen ayaa sheegay in wada-hadallo ku saabsan sida dadka loo saari karo Markabka ay la leeyihiin masuuliyiinta dekadda iyo degaanka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

“Wada-hadallada aan kula jirno maamulka iyo guddiyada diiwaan galiya qaxootiga inay maanta noo soo dhammaadaan ayaan rajaynayaa, Markabka hadda xirana aan ku xigsanno oo aan berriba billowno sidii dadka loo saari lahaa Markabka” ayuu yiri Suudaani.

Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Cadan ayaa diiwan galin ku wadda dadka Soomaalida ah ee doonaya inay soo raacaan markabkan oo keeni doona magaalada Boosaaso.

“Dad Soomaaliyeed oo ku sugan meelo kala duwan sida xerada Al-Kharas iyo magaalooyin kale ayaa nala soo xiriiray, waxaana diiwaan gelin wadda qunsuliyaddeena Cadan, waxaan rajaynaynaa in dhammaan dadka doonaya in dalkooda loo qaado aan Markabka saarno” ayuu yiri Suudaani.

Previous Post

Nicholas Kay oo ka hadlay xaaladda Dhuusamareeb

Next Post

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Next Post
Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Shirka Baarlamaanka Carabta oo ka furmaya Qaahira

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In