Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo  5 ruux ah oo sida la sheegay laga soo celiyay magaalada Hargeysa ee magaalo madaxda gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Janaraal Gaafow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku dayayso markasta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo safarada ay ku aadayaan gobolada dalka hase yeeshee maamulka Soomaaliland uu sheegay in in marar badan uu sameeyay in si gaar ah loo dhibaateeyo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

“Waxaan aad ugu xunahay marar badana nagu soo noqnoqday marar badana dhibaato ka taagan tahay dadka Soomaaliyeed maanta dhibaato badan ayay qabaan way dhoofaan waxaa ay soo socdaan way sii socodaan Hargeysa iyo Berbera way aadaan waa kaga yimaadaa wanaag ayaa sameynaa qof walba oo Hargeysa ka yimaada ama Berbera ka yimaada ama Soomaaliy ka yimaada wax dhibaato ah ama mushkulad ah waligii nagalama uusan kulmin”.

“Waxaa nasiib daro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Soomaaliya sheegtay  in la dhibaateynaayo xabsi la geynaayo in si bani’aadminimada ka baxsan loola dhaqmaayo taasina waxaa ay keeni kartaa naceyb dhex mara shacbiga” ayuu yiri Gaafow.

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ku booriyay maamulka Soomaaliland in ay ku dadaalaan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed.

“Shalay halkaan dadbaa diyaarad ka raacay muraadbay lahaayeen kharash baa galay dhibaatey galeen waxay noqotay halkii laga taakuleyn lahaa in xabsi la geeyo xalay xabsi ayay ku bariyeen saakana waa la soo tarxiiley in nin Soomaali ah qof Soomaali ah soo tarxiilo wax la qaadan karo ma ahan” ayuu markale yiri Janaraal Gaafow.

Previous Post

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo maanta gaaray Beledweyne

Next Post

Wasiirka Amniga gudaha oo maanta gaaray Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In