Kulankaan oo Lagu soo Bandhigay Adeegyada Cafimaad ee Hay`ada PAC oo laga leeyahay dalka Sucuudiga ay ka Fulisay Dalka islamarkaan ay ka qeyba Galeen Mas’uliyiin katirsan Labada Gole ee Dowlada Mas’uuliyiinta isbitaalka Dayniile Dhaqaadir iyo Marti sharaf Kale ayaa Maanta Lagu qabtay Maqaalada muqdidho.
Kulanka ayaa intii u socotay waxaa Lagu soo bandhigay Muqaalo ka turjumayay Adeegyada Cafimaad ee Hay`ada PAC ay ka Fulisay Dalka intii ay joogtay iydoona Hay`adaasi ay Adeegyo Cafimaad u sameysay Haween Gaaray 115 kuwaasoo horey u qabay cudurka loo yaqaano isku furanka ee ku dhaco haweeynka marka ay dhalayaan.
Caasho Shaacuur Ugaasi iyo Dr C/raxmaan Cabdule iyo ka mid ah Masuliyiinta Cisbitaalka Dayniile ayaa si wada jir ah waxaa ay u sheegeen in Hay`ada PAC ay Kaalin weyna Ka qaadatay Ollaha Ka Hortaga cudurka Isku Furanka.
“ PAC waxa ay joojisay in Gabar Soomaaliyeed oo Haamilo ah iney isku dhimato kii dhalinya waay dhaliyaan iygoo waxba ka Gaarin. Marka PAC aad ayaan ugu mahadnaqeyna Dr Maxamed shafeeca iyo dadka uu wada aad ayaan ugu mahadnaqeyna.
Dr Naadiye iyo Dr Saalax oo Ka mid Dhaqaadirta Hay`ada PAC ayaa sheegay in mudadii ay joogeen Maqalada Muqdisho ay ka Fuliyaan Qaliino Casri ah Oo la Xirira Dhinaca Cudurada ku dhaco Haweenka.
Gudomiyaha Degmada Dayniile Ciise Maxamuud Guure ayaa Hay`ada PAC oo ah Hay`ad ka shaqeysa Dhinca Cafimaadka ugu Mahadcaliyay Adeegyada Cafimaad ay ka Fuliyaan Degmada Dayniile ee Maqaalada Muqdisho
Xildhibaan Xasan Maclin oo ka mid ah Mudanyaasha Barlamaanka Soomaaliya islmarkaan ka Hadlay kulankaasi ayaa yiri”
“Anigoo Wakiil ka ah kuna Hadlaayo mageca Xildhibaanada Barlamaanka Faderaalka Soomaaliya waxaan Rabaa in aan idiin kaga mahdcaliyaan Dadaalka aad wadaan in la xirir ka hortaga Cturka ku isku Furanka ee ku dhaca Haweeynka uurka ee Soomaaliyeed.
Wasiire ku-xigeenka Wasaarada Cafimaadka ee Xukumada Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daaalo ayaa sheegay in Dadaalo xogan ay Wasaardu ugu jirto sidii Gobalada Dalka loo Gaarsin lahaa adeegyo Cafimaad si bulshadu u helaan caafimaad wanaagsan.
“Wasaarada Cafimaadka waxa ay balan qaadisaa iney Garab istaagiiso Cidkasto wada Barnaamij Cafimaad wada oo Dalka iyo dadka waxa qabneyso waxaan ugu mahdcliyna Maamulka cusbotaalka iyo Dhaqaatirdaan”ayuu yiri Mr Daalo.