Kulankaan looga hadlaye sidii loo hormarin lahaa iskuulaadka waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka ku yaala dagmada baraawe ee gobalka shabeelaha hoose ayaa maanta lagu qabtay muqdisho waxaana ka qeeb galay kulanka wasiiro xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaliya odayaal waxgarad ka soo jeedo dagmadaasi
Ugu horeen waxaa kulankaasi ka hadlay suldaan xeedar oo sheegay in loo baahan yahay in lahelo isbitalo iyo goobo wax barasho si uu deegaanka hor mar u gaaro
Magaalada baraawe hada mar dhaw ayaa eela boorka la dhisayaa kadib dakada ayaa la dhisayaa shaqooyin bada ayaa soo baxeeso dhalin yaro aqooniyahan waa loo baahan yahay lkn marki hore aan isku duubnaano anagoo wada jir ah ayaa ku gaareena
Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka muumino shiiq cumar oo iyana goobtaasi ka hadashay ayaa dhamaan shacabka daga dagmada baraawe ugu baaqday in ey isku duubnaadaan
“Aniga waxaan ka hadlayo waxa ey tahay in reer baraawe ey si wadajir ah ey iskugu duubanyiin gacmaha aan is hee sano wxaan leeyahay dadka qurbo joogta ah ee manta naga maqan in aan wada taaganahay u soo tashta dadkiina iyo dalkiina”
ugu danbeentiina wasiir doowlaha biiada ee xafiiska rasil wasaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ey shacabka ku dhaqan baraawe ey san heesan xarun caafimaad iyo goobo wax barasho loona baahan yahay in baahidaasi la daboolo
“Hadafkeena wax kale ma ahan in aan dadkeena u sheegno reer baraawe meeshaan qabiil ma ahan baraawe dagmo waaye laga bilaabo baadiyaha dagmada baraawe lama maqli jirin dadka reer baraawe qabiil maantana waxaan muujineenaa midnimadeena”