Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey 4-wasiir oo kamid ah Wasiirada cusub iyo kuwa uu isku shaan dheynta ku sameeyey shalay madaxweynaha ย Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Xafladd kooban oo loo qabtay dhaarinta wasiiradaan ayaa waxaa ay ka dhacday xafiiska Madaxweyne ย Gaas ee Garoowe. iyadoo ay goob joog ahaayeen xubanaha sare ee maamulkaas .
Afarta wasiir ee maanta loo dhaariyey gudashada waajibadka shaqo ee saaran waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka amniga ย Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed , Wasiirka Xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.
Dhaarta kadib ayaa Madaxweynuhu waxaa uu hambalyo udiray dhammaan wasiirada cusub , isagoona alle uga baryey in howsha hortaala uu u fududeeyo noqdaana kuwo ku guulaysta shaqada loo idmaay.
โโ Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sida aad ugu dhaarateen dalkiina iyo dadkiina ugu shaqeysaan , daacad u ahaataan , wixii masuuliyadiina wax u dhimaya idinkana leexinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo waxa laydinka filayana wax u dhimaya oo idinka weecinayana ka leexataan โโ Ayuu yiri Madaxweynuhu .
โโ 24-ka saac inaad shaqeysaan baa laydinka rabaa , masuuliyad baa idin saaran intaas oo umadana waa idin sugaysaa , waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiina aad gudataan โโ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.