Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaare Cumar oo hambalyo ku aaddan 26 June u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R.Wasaare Cumar oo hambalyo ku aaddan 26 June u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26, June, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarka ayaa hambaylo ku aadan 26, Juun, 1960-kii oo ahayd maalintii ugu horaysay oo calan laga taago ciida Soomaalliya u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna si gooni ah ugu hambalyeeynayaa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo u taagan ilaalinta xoriyadda iyo difaaca dalkooda.

Maanta oo kale 26 juun sanad kasta waxaa loo dabaal degaa maalintaan qiimaha badan ee xoriyadda, waxaana shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyaan farxada iyo damaashaadyo loo sameeyo maalinta xoriyada, waa maalin xasuus mudan, waana maalintii ay gobolad Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

“Maanta waxaan qirayaa in halgankii loogu jiray xornimadda mudo sanado ah in ay ku nafwaayeen iyagoon hananin xoriyadda dhalin yaro badan oo u istaagtay xoriyadda oo qayb ka ahaa ururadii gobonimo doonka, muwaadiniin kale ayaa u huray maalkooda iyo naftooda in ay uga qayb qaataan raadinta xoriyadda oo maanta ah geedka aan harsanayno, qaar kale ayaa xili dheer noloshooda ku qaatay xabsiyo ay dhigeen gumaystihii dalka haystay, maanta waxaa qadarin mudan inaan u ducayno dhamaan kuwii xornimadaan keenay oo isugu jiray Rag iyo Dumar Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka gumaystuhu ku hayey” ayuu yiri RW Cumar

“Maanta dalkeenu wuxuu u baahan yahay in mar labaad u istaagno sidii aan uga dulqaadi lahayn nabadiidka muwaadiniinta aysan u suurtoobayn caawo oo kale iney u dabaal dagaan maalintaan qiimaha badan, Waana inaan maskaxda iyo qalbiga ku haynaa geesiyaashii u dagaalamay in Soomaaliya ay noqoto wadan xor ah. Waxaa sidoo kale na looga baahan yahay inaan diirada saarnaa sidii shacabka Soomaaliyeed laysugu soo dhaweyn lahaa iyadoo loo marayo is faham cidii wax kala tabanaysa” ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga sameeyey dhanka siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Dhisida maamul goboleedyada iyo hada oo xukuumaddu ku howlan tahay yagleelida ciidan qaran oo uu dalku yeesho, waxaa sidoo kale RW sheegay in xukuumadiisa ay u qorshaysan tahay ka dhabaynta higsiga 2016, taas oo Soomaaliya lagu gaarsiinayo doorashooyin xorr ah oo xalaal ah iney ka dhacaan.

—-DHAMAAD—

Previous Post

Daawo sawirada raashin laga qaybiyay degmada Dharkenley

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In