Xaflad aad u balaaran oo laguย maamuusaayay ย Munaasabad 55 guuradii ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kiiย ayaa xalay lagu qabtay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara
Munaasabaddaa oo si heer saraa loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalkaย Soomaaliyaย ee dalka Turkiga waxaana ka soo qayb galay siyaasiyiin, diplumaasiyiin, ganacsato, saraakiil ciidan, jaaliadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Turkiga.
Masuuliyiintaaas ย oo uu ugu horeeye Danjiaraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdirrahman iyo ย Raiisul wasaara ku xigeenka dalka Turkiga Numan kurtulus.
sidoo kale waxaa ka soo qayb galay inta badan safiradda ufadhiya dalalka caalamka dalka Turkiga iyo xillibaano ka tirsan dowladda Turkiga.
Ugu horrreyntii xafladda waxaa daah furay Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Turkiga mudane Maxamed Mursal Sheik Abdirrahman oo halkaa kasoo jeediyay qudbad aad u qiima badan oo dhinacya badan taabanaysay.
Safiirka ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanad guuraddii 55aad ee kasoo wareegtay xurriyadda Soomaalia waxa uu sidoo kale ka hadlay horamarka ay ku tilaabsatay Soomaaliya sanadihii udambeeyay waxa uuna ku dhiiriyay ganacsatidii ka soo qayb gashay xafladda ย in ay Soomaaliya maal gashadaan safiir.
Maxamed Mursal ayaa aad iyo aad uga mahad noqay dowladda Turkiga sida ay ugarab taaganyihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Raiisul wasaara ku xigeenka dalka Turkiga mudane Numan Kurtulus oo ka hadlay uguna hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed maalinta xurriyaddooda oo ku began 1da luulyo waxa uu sidoo kale ka hadlay sida ay marwalba u garab taaganyihiin Soomaaliya iyo in ay muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya ayna kacaawinayaan dhan walba ย amaanka iyo horomarinta dalka ย ayna sii wadi doonaaan caawinaada ay la garab taaganyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed .
Ugu dambeyntii xafladda ayaa ku soo idlaatay jawi aad u degan farxad iyo rayn rayn ayadoo dhamaan dadkii ka soo qayb galay ay muu jiyeen sida ay ugu faraxsanaayeen dabaal degga maalinta xurriyadda .