Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

03 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey nidaamka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo la filayo maalinta berri ah ee 4ta July 2015 in doorashada Madaxweynaha GalMudug ay qabsoonto, ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dadaalka dadka deegaanka ee Gobollada Dhexe oo ay aayahooda uga tashanayaan uu mudan yahay ammaan iyo dhiirigelin, bacdamaa ay ku guuleysteen in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka GalMudug kaas oo ku yimid, isu Samir, isu dulqaadasho, is faham iyo is qancin. Dowladda Federaalka waxey aad ugu faraxsantahay sida ay dadka deegaanka ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanada Gobollada Dhexe.

Related posts

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026

Ujeedada hirgelinta nidaamka Federaalka ayaa ah in maamulka Dowliga ah la gaarsiiyo heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo si dadka deegaanka loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa, dhiirigelineysaa, isla markaasna ammaaneysaa sida uu u qabsoomay shirka maamul u sameynta GalMudug. Dowladda Federaalku waxey ugu baaqeysaa dhammaan shacabka deegaanka Gobollada Dhexe inay si buuxda u taageeraan maamulka cusub oo shaqsi walba oo ku guuleysta xilka Madaxweynenimana ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Mudadii uu socday shirka maamul u sameynta waxaa xusid mudan sida ay u dhaqmeen Baarlamaanka, Madax Dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada kuwaas oo suurtogeliyey in shirka uu noqdo mid guuleysta. Maamulka Ximin iyo Xeeb oo martigeliyey shirkana waxey ku ammaanan yihiin doorka muhiimka oo ay ka qaateen si uu shirka u guuleysto.

“Sidoo kale waxaa aammaan mudan sida shaqsiyaadkii isu soo sharaxay xilalka Madaxtinimada GalMudug ay u dhaqmeen oo runtii la oran karo waa hab iyo nidaam dimoqraadiyad ku dhisan oo la is dhageystay, la wada hadlay, la dooday, la isu samray, oo danta guud marwalba ay ka eegayeen. Waxaan rajeyneynaa in tartanka berri oo ah 4ta July uu noqdo mid si hagaagsan u dhaca oo shaqsi walba uu ogaado inuu yahay mid guuleystay, bacdamaa dhammaan musharaxiinta ay doonayeen inay u adeegaan dadka deegaanka, isla markaasna cidii ku guuleysata ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.”
DHAMAAD

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka "Dhageyso"

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
0

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku...

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In