Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu taageerayay hogaanka cusub ee Galmudug oo Gaalkacyo la dhacay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isu soo bax lagu taageerayay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta C/laahi Ciise ee magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dibad baxaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka degmada Gaalkacyo, xubno ka tirsanaa golihii wasiirada maamulkkii hore ee Galmudug iyo boqalaal dadweeynaa oo kala socday bulshada qeybahooda kala duwan, iyadoo sidoo kale uu khadka taleefanka uga soo qeyb galeen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Carabeeey.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Duqa degmada Gaalkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug Bile Diini Cali oo ugu horeeyn ka hadalay banana baxa taageerada ahaa ayaa sheegay in maamulka degmada Gaalkacyo iyo shacabkiisuba ay si weyn u soo dhaweeynayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay ayna la shaqeeyn doonaan.

“Meeshaan waxaan isugu nimid inaan  taageerno oo ku boorino guusha uu gaaray anagu musharixiintu waxay ahaayeen isugu kaaya mid waxaa waajib nagu ah in ninkii la doorto aan la shaqeeyno oon taageerno maadaama aan nahay dadkii aas aaska u ahaa dhismaha Galmudug”, ayuu yiri Diini.

Mudane Bile Diini duqa degmada Gaalkacyo ayaa sidoo kale hambalyo u direy dhamaan xubnaha golaha wakiilada dowld goboleedka Galmudug gaar ahaan guddoonka, isagoo u rajeeyay in ay howshooda ilaahay u fududeeyo.

Ugu madaxweynha dowlada Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo khadka taleefanka kula hadlay bulshadii iyo madaxdii ka soo qeyb gashay banaan baxaan lagu tageerary hanaanka horumarka leh ee ka soo hana qaaday gobalada dhaxe ayaa uga mahad celiay taageerada ay u muujiyeen dhismaha dowlad gobaleedka  cusub ee Galmudug

“Aad baan ugu mahadsantihiin taaageeradiina maamulka meeshaan ka dhisan waa maamulkiinii waana midaad muddo badan raadineeyseen in maamulku uu ku baaho dhamaan deegaanada Mudug iyo Galguduud, marka waxaan aaminsanahay in reer Galmudug ay guuleeysteen Soomaali oo dhanna ay wada guuleeysatay”, ayuu sheegay madaxweyne Guuleed.

Dibad baxyo kuwan la mida oo lagu tageerayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyana ka dhacay deegaano farabadan oo ka tirsan kuwa gobalka Mudug.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Oo Kismaayo Gaaray

Next Post

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Next Post
Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In