Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud Eng Saalax Sheekh” Waa inaan isku Tashannaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud Eng Saalax Sheekh” Waa inaan isku Tashannaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka  Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Fedaraalka  Soomaaliya ayaa sheegay si loo horumariyo dhismaha dalka looga Baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay isku tashadaan oo ay wadankooda ku dhistaan si iskaa wax u qabso ah lana sugin wax dibadda uga yimaada Shacabka.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qofwalba oo Soomaali ah looga bahanyahay in ay isku taagaan dib u dhiska dalkooda isla markaana aynan sugin deeq uga timaada dibadda oo dalkooda lagu dhiso.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

“Waddankeenna annaga ayaa dhisan karna  waa inaan isku tashannaa waddamo kale  kaalmo ka timaadda culeys dheeraad ah ayaan u arkaa , waa inaan iskaa wax u qabso u dhisannaa dalkeenna, wakhtigii hore dalka waxaa lagu dhisi jiray iskaa wax u qabso, waa inaan isku tashannaa” ayuu yiri wasiirka Howlaha guud  Eng Saalax Sheekh.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shacabka ku boorriyay in dalka uu leeyahay kheyraad badan loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan kheyraadkaas.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran in dalkooda ay dib u dhistaan, taas oo tusaalo wacan loo soo qadan karo dhismaha xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xammar oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhisteen iska wax u qabso, iyaga oo hadda shacabka laga sugayo in xarumo kale oo bur-bur ka muuqdo ay ku dhistaan iskaa wax u qabso.

Previous Post

Baarlamaanka oo Cod u Qaadaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

Next Post

Muungab oo lagu Ammaanay waxqabad dhameystiran

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo kormeeray Suuqa Bakaaraha”SAWIRRO”

Muungab oo lagu Ammaanay waxqabad dhameystiran

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In