Monday, October 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Biladdii la guddoonsiiyay guddoomiye Muungaab oo la soo dhaweeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Biladdii la guddoonsiiyay guddoomiye Muungaab oo la soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo ahayd afur iyo casha sharaf ayaa waxaa lagu taageraye biladdii iyo shahaado sharafti uu Madaxweynaha Jamuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud guddoon siiyay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed  Xuseen “Muungab” waxaa ka qeyb galay xubna kasocda maamulka gobalka, ururka haweenka Qaranka, ururka haweenka gobalka , Wasiirka haweenka Maamulka konfur galbeed Soomaliya, Fanaanin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qaar kamid ah ka qeyb galayaasha Munaasada oo goobta kahadlay ayaa maamulka gobalka banaadir ku amaanay isbadalada horumarka leh ee ka jira magaalada Muqdisho Dahabo Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah haweenki halkaasi kahadla.

Related posts

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025

“Waxaa ku garab taagan gabdhaha Soomaaliyed ee Wadaniyiinta ah, waxaanu naqaana waxaad gudi iyo waxaad gasho Muqdisho waa caasumadii Soomaliya, Soomaali waxaa tahay muwaadin dhab ah taarikhda ku xusi doonta, kumana ilaawi doono waligeyn, waan ku xasuusan.doonaa  maanta waxaa farxad weyn ii ahaay markii aan ku dabaal degnay meeshi calanka Soomaaliya lixdankii laga taagay waa horumar” ayay tiri Dahabo.

Kaaliyaha Arrimaha Haweenka iyo Qoyska ee duqa magaalada Faaduma Cabdiqaadir Ciise ayaa ku boorisay haweenka Soomaaliyed  in ay ka qeyb qaatan sidii loo dar dar galin lahaa Mashruuca dalkaaga dhiso si loo soo celiyo bilicdi ay laheyd magaalada Muqdisho.

“Haweenka iney ka bilaabi doonan contribution ugu horeeyay dalkaaga dhiso, haweenkuna ay kaalinta koowaad ka qeyb gali doonan, waxaan balan qaadeynaa inan dalkeena wax ka dhisan doono, wadada dheer ee uu guddoomiyuhu balan qaaday jidka Wadnaha ah ee la dhisayo  iney contribution ugu horeeysa haweenku diyaar u yihiin iney diyaariyen, kuna garab istaagan maalin taad dhagax dhigeyso” ayay tiri Faadumo.

Guddoomiye ku-xigeenka Ururka haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa dhankeeda Tilmaamtay in guddoomiyaha gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xusen “Muungab” uu yahay mas’uul mudan in lagu daydo.

“Shan iyo labaatan sano kaddib Muungab waxaa ku kalifaya inuu go’aan geesinima ah qaato, waa xoogga dalka Soomaaliyed waxaa lagu soo barbaariyay inuu yahay ciidan inuu ahaa  Jeneraal inuu yahay geesi Dowladnimada waxey u baahan tahay geesinimo, Dowladnimada waxey u baahan tahay hadal go’aan leh,”.ayay tiri Canab.

1-dii bishan July ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Jamuuriyada Fedraalak Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud uu bilad iyo shahaado sharaf guddoon siiyay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahan Duqa magaalada Muqdisho mudane Xasaan Maxamed Xuseen “Muungab”. oo uu ku muteystay waxqabadkiisa.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolada dhexe

Next Post

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Deyniile oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka "Dhageyso"

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In