Munaasabadan lagu daah furayaay tartankan qur,aan aqriska ah oo u dhexeeya araday laga soo kala xulay dugsiyada qur,aan oo kuyaala magaalada Buuhoodle ayaa lagu qabtay magaaladatan buuhoodle taasi oo ay ka qeyb galeen waxgarad, culimaa,udiin, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Cumar maxamed maxamuud oo ah gudoomiyaha jimciyada Alnuur oo soo qabanqabisay xaflada tartanka quran aqriska ah laguna waynaynayo fadliga bisha Ramadaan ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada tartankan uu u leeyahay ardaydan iyo guud ahaan bulshada.
“jimciyada Alnuur waa jimciyad ka shaqaysa gobolada sool iyo sanaag jimciyad u qabilsan quraanka kariim ka ah iyo madarista iyo siminaarada macalimiinta iyo wixii la mid ah waxaa jimciyada hoos yimada 25 madarasadood oo ka jira magalada buuhoodle waxana hada tantankan ka qabqaadanaya 15 madarasadood oo laga keenay 50 arday.
waxaa sidookale xaflada ka hadlay C/casiis Ismaaciil Garaad Soofe oo ka mid ah walidiintii ka soo qebgashay munaasabadan isagoo dhiiro gelin iyo bogaadin u diray ardaydani .
“waxaan aad ugu farax sanahay inay qurankoodii iyo diintodii bartaan wakhti wacan oo fadli leh na tartamayaan halana ogado inay u tartamayaan deegaanka oo macalimiintu tartamayan oo walidiintu tartamayaan walidiintana waxaan ka cod sanayaa inay doorkooda ka qataan sidii kor lugu qadi lahaa runtii waxaan u mahad celinayaa cidii soo qaban qabisay tartanka quraanka ah.
Inta lagu guda jiro bisharamadaan ayaa intabadan waxaa dhaca munaasabado kaladuwan oo lagu weyneeyo fadliga bishan barakaysan ee Ramadaan waaana tartankan qur,aan aqriska ah uu kamid yahay weyneynta fadliga bishan oo qeymo weyn ugu fadhisa dhamaan umada muslimiinta kunool daafaha caalamka