Saturday, December 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo gudbisay dacwadda ka dhanka ah Kenya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo gudbisay dacwadda ka dhanka ah Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya hadda ayay gudbisay dacwadda badda ee ka dhanka ah Kenya. Waxaa gacanta laga saaray, Diiwaan hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ku taal magaalada Hague, dalka Netherlands.

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Waddamada Benalux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.
Dalka Netherlands ayaa hadda waxaa ku sugan wefdi dowladda Soomaaliya ka socda oo uu horkacayo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isla markaana ay kamid yihiin khubaro Soomaali iyo ajanabi ah kuwaas oo aqoon dheer u leh shuruucda badaha caalamka.
Dukumentiga maanta ay gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka kooban yahay 150 bog, waxaana dowladda Kenya ay heysataa muddo 10 bilood ah in ay ka jawaabto dacwadan.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

December 27, 2025
Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

December 27, 2025
Previous Post

Bisha Cas ee Imaaraadka oo deeq gaarsiisay dad danyar ah-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’

Next Post
Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’

Madaxweynaha: “Si loo xaqiijiyo Hadafka Horumarka Caalamka, waa inaan isla meel dhignaa qaab sugan oo fakhriga dunida looga ciribtiri karo’

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka...

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland Dalal iyo ururro...

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya Qoraal kasoo baxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In