Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 15 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo lagu xaqiijinayo horumarka caalamka, sida iskaashiga waddamada, tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in waddamada soo koraya loo dejiyo nidaam horumar la taaban karo horseedaya oo la jaanqaadaya hadafyada horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan khudbad ka jeediyay, isagoo soo jeediyay in caalamku uu fiiro gaar ah u yeesho waddamada ka soo kabsanaya colaadaha oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha khudbad ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyey urur goboleedka IGAD, oo looga hadlayey muhimadda xawaaladaha iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu Addis Ababa ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgashey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari , xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed

Previous Post

Taliyaha ciidanka booliska oo sagootiyay cayaartooyda kooxda Heegan

Next Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ka digtay in la dhisto xarumihii ku bur buray dagaalladii ka dhacay dalka

Next Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ka digtay in la dhisto xarumihii ku bur buray dagaalladii ka dhacay dalka

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In