Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Gaarka Ah Ee NISA Oo Ku Dilay Duleedka Baardheere Horjoogayaal UGUS AH

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Gaarka Ah Ee NISA Oo Ku Dilay Duleedka Baardheere Horjoogayaal UGUS AH

MOGADISHU, SOMALIA - AUGUST 19: American-trained Somali special forces ride in the convoy ahead of Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdogan during his visit on August 19, 2011 in Mogadishu, Somalia. Erodogan's day-long trip was meant to draw attention to Somalia's drought and famine. Earlier in the week, he led a summit of the Organization of Islamic Cooperation, whose members pledged $350 million in famine aid for people displaced during the crisis. (Photo by John Moore/Getty Images)

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa ku dilay horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab iyo ilaaladood duleedka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo kaddib howlgalo ay ka sameeyeen halkaasi.

Howlgalkani ay fuliyeen Ciidamada Gaarka ah Ee NISA oo ahaa mid qorsheysan ayaa horjoogayaasha lagu khaarijiyay waxa ay kala yihiin Ismaaciil Jabhad oo ahaa horjoogihii Jiida Hore ee deegaanka Gudandhawe, iyo Horjooge Axmed Qoslaaye oo isna Horjooge u ahaa Maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Taraako ee gobolka Gedo, waxaana howlgalka uu u dhacay sidii loogu talo galay.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Horjoogayaasha ayaa waxaa lala khaarijiyay Maleeshiyaad ilaala u ahaa oo tira ahaan gaaraya 14 dhagar qabayaal halka 17-kale oo maleeshiya ah ay ku dhaawacmeen howlgalkaasi.

Ciidamada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgalkaasi wax khasaara ah ka soo gaarin, iyadoo geesiyaashaasi ay ku soo noqdeen iyagoo bad qaba halkii markii hore ay ka duulaan tageen.

Magaalada Baardheere oo ka mid ah meelaha fara ku tiriska ah ee Maleeshiyaadka UGUS ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kaabiga ku hayaan, iyadoo horjoogayaasha ku dhuumaaleysanaya deegaanada fara ku tiriska ah ay soo wajahday cabsi la xiriirta in ay ku baxaan gacanta Ciidamada Qalabka Sida mar hadii Ciidamada seefta gasha kala baxeen.

Previous Post

Dood Ku Saabsan Sahanka Tirakoobka Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Socota Iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Oo Su’aalla Ka Jawaabaya “Sawirro”

Next Post

Wasaradda Qorsheynta “bulshada gacan hanaga siiso tirakoobka dadka Soomaaliyeed oo saxan”Sawirro”

Next Post
Wasaradda Qorsheynta “bulshada gacan hanaga siiso tirakoobka dadka Soomaaliyeed oo saxan”Sawirro”

Wasaradda Qorsheynta "bulshada gacan hanaga siiso tirakoobka dadka Soomaaliyeed oo saxan"Sawirro"

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In