Friday, October 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV uuna taaba gelineyo sanadkii labaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan oo ah kulankii kama dambeysta ah ee tartanka ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Baydhabo waxey noqotay sidan:-

Related posts

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025

Yaaqshiid

Tartamayaasha Deegaanka Yaaqshiid sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, Su’aalihii todobada ahaa ee la waydiiyay, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex Su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Waxa ay si ka faa’iideysi u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Yaaqshiid ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood ( Toban dhibcood).

Baydhabo

Tartamayaasha Degmada Baydhabo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal,  su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal,  halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 8 dhibcood (Sideed dhibcood).

Hadaba kulankii 28aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ahaana kii ugu dambeeyay waxaa caawa ku guuleystay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Tartan cilmiyeedkii waxaa kaalinta koowaad gashay Tartamayaasha degmada Yaaqshiid, halka labaad ay gashay Baydhabo, waxaana kaalinta saddexaad soo gashay tartamaayasha degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, sida uu ku dhawaaqay Cali Deeq oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahita Qaranka.

DSC04596 DSC04599 DSC04600 DSC04602 DSC04603 DSC04604 DSC04606 DSC04608 DSC04609 DSC04614 DSC04616 DSC04628 DSC04631 DSC04632 DSC04635 DSC04638 DSC04641 DSC04642 DSC04645 DSC04648 DSC04649 DSC04652 DSC04653 DSC04656 DSC04657 DSC04658

DSC04711 DSC04717 DSC04721

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir (Maasgaro)

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
0

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

October 30, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In