Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad socdaal shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka kormeeray xarumaha danta guud ee magaalada.

Mudane Cabdikariin Guuleed ayaa kormeerkiisa ka bilaabay dhismaha wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Hobyo, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay ku tabarucayaan $50,000 (Konton kun oo Dollar), taas oo hordhac u ah mashaariicda dhismaha wadooyinka.

Related posts

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026

Sidoo kale wafdiga madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeeray Isbitalka iyo Jaamacadda Gaalkacyo, halkaas oo hawladeenadooda uu warbixino kaga dhagaystay, iyadoo wafdiga uu hogaaminayay ay qayb ka ahaayeen Xildhibaanno ka torsan Baarlamanka Galmudug, Odayaal iyo siyaasiyiin xilalal ka soo qabtay gobolka, kuwaasi tagay garoonka cayaaraha ee Cabdullahi Ciise Maxamuud, halkas oo kumanaan shacabka reer Gaalkacyo ah ay isugu soo baxeen.

Bile Diini Cali Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo madaxwaynaha Galmudug in Gaalakcyo ay ka mid noqoto meelaha ugu horeeya ee ay booqashada ku yimaadeen.

Maxamed Sheekh Axmed Maalin Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Baarlamanka Galmudug oo isna halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka reer Galmudug inay la shaqeeyaan maamulkooda cusub.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo khudbad u jeediyay dadwaynaha reer Gaalkacyo ee fagaarahaas isugu soo baxay ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah, sida amniga deegaanka, adeegga bulshada iyo dhaqaalaha, waxa uu sheegay in marka ugu horaysa ee dhismaha mamaulka la dhamaystiro xoogga la saarayo sidii Dekad loo samayn lahaa, taas oo fure u noqonaysa horumarka dhaqaalaha deegaanada Galmudug.

Wafdiga oo wali ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa wadatashi la yeelanaya qaybaha bulshada.

DSC08821 DSC08822 DSC08828 DSC08831 DSC08832 DSC08834 DSC08836 DSC08841 DSC08845 DSC08846 DSC08848 DSC08851 DSC08852 DSC08853 DSC08854 DSC08856 DSC08857 DSC08859 DSC08861 DSC08863 DSC08864 DSC08865 DSC08866 DSC08868 DSC08869 DSC08870 DSC08872 DSC08874 DSC08875

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka howlaha guud oo la kulmay injineerradii hore ee wasaaraddaasi

Next Post

Wasiirka howlaha guud oo la kulmay injineerradii hore ee wasaaraddaasi

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad...

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In