Monday, September 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo Kuwa Amisom Oo Si Rasmi ah Ula Wareegay Diinsoor

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 24, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa Gudaha u galay goor dhow oo si rasmi ah ula wareegay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo Laga ceyriyay Maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab.

Argagaxisada Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Diinsoor, iyadoo ciidanka ay xalay ku hoydeen duleedka degmadaasi, iyagoo ku kallahay saakay aroortii hore, iyagoo aan la kulmin wax iska cabin ah oo kaga timid UGUS.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

September 1, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay galeen saaka degmadaas oo ka mid ahayd degmooyinkii ay Al-shabaab ka talinaysay.

Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneel Ismaaciil Khaliif Axmed oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si nabdoon ay ula wareegeen Degmada Diinsoor ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen dadka deegaanka oo ku faraxsan ka dulqaaditaanka laga dulqaaday cadowga Al Shabaab.

Magaaladan ayaa noqonaysa magaaladii labaad oo ay ciidamada dowladda FS iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al-shabaab Muddo 48-saacadood gudahood ah, kaddib markii maalin ka hor ay la wareegeen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana guuldarooyinkani Argagaxisada soo wajahaya ay ka dhigantahay baaba’a kooxda oo heer gaba gaba ah maraya.

Previous Post

Ololo Looga Hortagayo Gudniinka Fircooniga Oo Beledweyne Ka Bilowday

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Dib U Eegista Miisaaniyadda “Sawirro”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Dib U Eegista Miisaaniyadda  “Sawirro”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Dib U Eegista Miisaaniyadda "Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

September 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha...

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In