Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Maanta uga hadli doona Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka la Dagaallanka Argagixisada iyadoo Baarlamaanka uu hor imaandoono Wasiirka Amniga si uu u Aqriyo Guulaha Ciidamadda Qaranka ay ka soo hoyeen la Dagaallanka kooxda Alshabaab.
Hab-dhowraha Barlamaanka Maxamed Cumar Maxamuud oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka maanta ee Barlamaanka looga hadli doono labo ajande oo kala ah in xubnaha golaha loo soo Bandhigi doono qaraar la doonayo inay ansixiyaan Barlamaanka iyo Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka la dagaallanka Argagixisada.
โQaraarka Baarlamaanka la horkeeni doono maanta wax aan kala Socdo malaha laakiin guddoonka Barlamaanka ayaa gacanta ku haya saacadaha Soo aadan ayaan ogaandoonaa , sida aad la socotaan Barlamaanka waxaa horimaan doona Wasiirka Amniga oo laga sugayo warbixin la xiriirta Amniga iyo Horumarada Ciidamadda Qalabka sida ee Dowladda” ayuu yiriย Habshowraha barlamaanka Xil Maxamed Cumar Maxamuud.