Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta kulankooda ugu horeeyay yeeshay ayaa loo qeybiyay dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, si ay dib u eegis ugu sameeyaan
Kulanka oo uu shir Gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa soo xaadiray 48-Xildhibaan, kuwaasi oo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka io xeer hoosaadka ay isku maamulayaan.
Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye Cali Gacal Casir.
“Maanta waxaa ka mid ahaa Jadwalkeena qaybinta Dastuurka dowlad goboleedka Galmudug oo aan u qaybinay Xildhibaanada si ay u soo akhriyaan, waxaa kale oo ka mid ahaa soo jeedin wax kabadalka Dastuurka, taas oo aan rabo in Xildhibaanadu ka soo doodaan oo soo aqriyaan, berina cod loo qaado qodobada wax laga badalayo, kabacdina waxaa noogu xigi doona jadwal aan maalmaha kale gaari doono sida Xeerhoosaadka iyo istiraatiijiyadii, barnaamijku nuucaas ayuu ahaa waana noo xirmay, oo hadda Baarlamanka waa la fasaxay, laakin beri ayaa mar kale la fariisan doonaa” ayuu yiri Gudoomiye Cali Gacal.
Baarlamanka cusub ee Galmudug ayaa waxaa horyaal shaqooyin badan oo ku saabsan jihaynta xilli hawleedka 4-ta sano ee uu shaqaynayo.