Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan oo Nairobi laga taageeray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuliyinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saldhiga booliska ee dagmada Beledweyne  ayaa manta si wadajir ah u furay  rug boolis oo laga hergiliyay  xaafadda Holwadaag ee magaalada Beledweyne.

Taliyaha saldhigga booliska  degmada Beledweyne  Korneyl Cali Dhuux Cabdi ayaa tilmaamay in hadafka laga leeyahay in la howl galiyo  rugtan  ay tahay adkeynta ammaanka magaalada.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026

“Runtii in aan  furno rugtan waxay ka qeyb qaadaneysaa sugitaanka ammaanka, horay ayaan u qorsheynay oo maamulka gobolka iyo taliska booliska ayaa isku raacay in lafuro rugtaan, markan magalladu way weynaatay ilaa 10km oo isku weer ah ayay mareysaa”. Ayuu yiri.

Taliyuhu wuxuu sheegay in magaalada oo weynaatay ay keentay in loo baahdo xarun labaad oo ay ka howl galaan ciidanka boolisku si ay u qabtaan shaqadii ay bulshada u hayeen.

Gudomiye ku xigeenka  maamulka gobolka Hiiraan  ee amniga iyo siyaasada  Maxamed Ibraahi Cabdulaahi   ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ay u baahan tahay xarumo kale oo la mid ah xaruntaan, si muwaadiniintu ay dhaqsi u helaan adeegyada booliska, isla markaana uga qeyb qaataan sugidda ammaanka.

“Guddomiyaha degmada iyo taliyaha  booliska dagmada waxaan  kula dardaarmayaa in ay soo  dadajiyaan  rugaha kale ee dhimman  si xaafaduhu  ammaan u helaan” ayuu yiri guddoomiye Maxamed.

Saraakisha ciidanka booliska Soomaliyeed ee ka howgalaga  magalada Beledweyn  ayaa horey  u sheegay in dhammaan  xafadaha magaalada Beledweyn ay ka furi doonaan  rugag boolis  kuwaas oo siweyn uga qeyb qaadan doona sugitaanka amniga magaalada.

Previous Post

Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Next Post

DEGDEG: Xukuumadda iyo baarlamaanka oo go’aan ka gaaray doorashada 2016-ka

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

DEGDEG: Xukuumadda iyo baarlamaanka oo go'aan ka gaaray doorashada 2016-ka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In