Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamul cusub oo loo magacaabay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamul cusub oo loo magacaabay deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiye ku xigeenka degmada Waajid Caddow C/raxmaan Jugle ayaa Radio Muqdisho u sheegay sheegay in maamul loo sameeyay tuulada Buurdhuxunle oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool isla markaana ka mid ah deegaanadii dhowaan laga saaray maleeshiyaadka al-shabab.

Caddow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddoomiyaha Buurdhuxunle loo magacaabay Aadan Huudow Axmed, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Cabdi Yuusuf Cumar, iyadoo taliyaha saldhiga Boliiska deegaankaasina loo magcaabay Mukhtaar Cali Maxamed, waxaana uu xusay in xubnaha kale ee maamulka dhowaan ay soo dhameystiri doonaan.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalada ka socday deegaanada hoos yimaada degmada Waajid oo u jeedkoodu ahaa in al-shabab laga sifeeyo goobahaasi, isagoo tilmaamay in tuulooyin badan oo ay kamid yihiin Goobato, Buur-Cadde, iyo kuwo kale oo dhamaan ka tirsan gobolka Bakool.

Caddow C/raxmaan guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa dadka goobaha howlgalada ay ka socdaan ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana kuwii ka kaxay ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, isagoo balan qaaday in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin dadka shacabka ah.

Buurdhuxunle oo 30 KM u jirta degmada W aajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid aheyd deegaanada in mudo ah ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Previous Post

R/wasaaraha oo khudbad ka jeediyay Shirka New Deal ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Next Post

Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Next Post
Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Dood Cilmiyeed ku saabsanaa awoodsiinta haweenka oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In