Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Nairobi Kula Kulmay dhiggiisa Dalka Kenya “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Nairobi Kula Kulmay dhiggiisa Dalka Kenya “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa magaalada xarunta dowlada hoose ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero,ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan dowlada hoose ee magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa kulanka ku wehliyay safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno ka tirsan mamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nairobi ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir siiyay warbixin dheer oo ku saabsan magaalada Nairobi iyo qaabka ay u dhaqeyso dowlada hoose ee magaalada Nairobi.

Markii uu soo dhamaaday kulanka dhex maray labada mas’uul ayey si wada jir ah ula hadleen warbaahinta qaranka,iyagoo ka war bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ugu horeyn gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero ayaa yiri “Waxaan ka wada hadalnay qaabka dowlad wanagga,waxan ka wada hadalnay qaababkeena qorsheynta,waxaan ka wada hadalnay qaababka maamulka maareynta dhulka,waxaan ka wada hadalnay qaabka uruurinta canshuuraha beriga,waxaan ka wada hadalnay maareynta musiiboyinka ka dhasha dababka,sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sidii aan u sameysan lahayn xiriir wada shaqeyn oo joogto ah si ay uga faa’ideystaan oo ay wax nooga bartaan anaguna aan uga faa’ideysano oo aan wax uga barano”

Gudoomiyaha gobolka Banaandir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii iskaashi u dhex mari lahaa magaaloyinka Nairobi iyo Muqdisho,sidii aan khibradaha isku dhaafsan lahayn iyo sidii ay magaalada Muqdisho uga faa’ideysan lahayd khibradda maamulka uu hogaamiyo gudoomiye Kidero.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha maamulka wanaagga,maareynta qashinka iyo sidii magaalada muqdisho loo gaarsiin lahaa maamul is doorto sida maamulka Nairobi”Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kualnkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee dhex mara gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuuseen Muungaab iyo gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero.

IMG_0002 IMG_0005 IMG_0018 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0024 IMG_0032 IMG_0036 IMG_0075 IMG_0080 IMG_0082

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi (Somali)

Previous Post

Qoysas Haysta Carruur Agoon ah oo loo Qaybiyay Deeq Raashin ah “SAWIRRO”

Next Post

Saameynta  Xagjirnimada bulshada Dhageyso

Next Post
Saameynta  Xagjirnimada bulshada  Dhageyso

Saameynta  Xagjirnimada bulshada Dhageyso

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In