Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Nairobi Kula Kulmay dhiggiisa Dalka Kenya “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 5, 2015
in Wararka
0
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Nairobi Kula Kulmay dhiggiisa Dalka Kenya “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa magaalada xarunta dowlada hoose ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero,ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan dowlada hoose ee magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa kulanka ku wehliyay safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya dalkani kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo xubno ka tirsan mamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nairobi ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir siiyay warbixin dheer oo ku saabsan magaalada Nairobi iyo qaabka ay u dhaqeyso dowlada hoose ee magaalada Nairobi.

Markii uu soo dhamaaday kulanka dhex maray labada mas’uul ayey si wada jir ah ula hadleen warbaahinta qaranka,iyagoo ka war bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ugu horeyn gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero ayaa yiri “Waxaan ka wada hadalnay qaabka dowlad wanagga,waxan ka wada hadalnay qaababkeena qorsheynta,waxaan ka wada hadalnay qaababka maamulka maareynta dhulka,waxaan ka wada hadalnay qaabka uruurinta canshuuraha beriga,waxaan ka wada hadalnay maareynta musiiboyinka ka dhasha dababka,sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sidii aan u sameysan lahayn xiriir wada shaqeyn oo joogto ah si ay uga faa’ideystaan oo ay wax nooga bartaan anaguna aan uga faa’ideysano oo aan wax uga barano”

Gudoomiyaha gobolka Banaandir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii iskaashi u dhex mari lahaa magaaloyinka Nairobi iyo Muqdisho,sidii aan khibradaha isku dhaafsan lahayn iyo sidii ay magaalada Muqdisho uga faa’ideysan lahayd khibradda maamulka uu hogaamiyo gudoomiye Kidero.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha maamulka wanaagga,maareynta qashinka iyo sidii magaalada muqdisho loo gaarsiin lahaa maamul is doorto sida maamulka Nairobi”Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kualnkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee dhex mara gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuuseen Muungaab iyo gudoomiyaha gobolka Nairobi Evans Kidero.

IMG_0002 IMG_0005 IMG_0018 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0024 IMG_0032 IMG_0036 IMG_0075 IMG_0080 IMG_0082

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi (Somali)

Previous Post

Qoysas Haysta Carruur Agoon ah oo loo Qaybiyay Deeq Raashin ah “SAWIRRO”

Next Post

Saameynta  Xagjirnimada bulshada Dhageyso

Next Post
Saameynta  Xagjirnimada bulshada  Dhageyso

Saameynta  Xagjirnimada bulshada Dhageyso

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In