Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ka dooday jihaynta Siyaasadda dalka 2016ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga doodeen siyaasadda ugu haboon ee loo jiheynayo geeddi socodka sanadka 2016ka.

Billowga kulanka Baarlamaanka waxaa Xildhibaannada loo Akhriyey qoraal ka soo baxay xafiiska Habdhowrka Golaha Shacabka kaasi oo gebi ahaanba lagu joojiyey in la bixiyo fasaxa Xildhibaannada mudada ka harsan xiritaanka Kalafadhiga 6aad ee Baarlamaanka, waxaana qoraalkaasi Xildhibaannada u Akhriyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux).

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

Markaasi kaddib  Xildhibaannada Baarlamaanku wxa ay Gudagaleen dhageysiga warbixin uu Guddi hoosaadka Baarlamaanka u qaabilsan ka soo talabixinta siyaasadda ugu haboon ee loo jiheynayo geedi socodka 2016ka ka soo diyaariyey shirkii heerka sare ee Madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 29kii-30kii July lagu qabtay magaalada Muqdiso waxaana warbixintaasi Xildhibaannada ka hor akhriyey Xildibaan C/risaaq
Cusmaan Jurile, ayadoo guddigaasina ay warbixintooda kusoo dareen tallooyin ay Baarlamaanka u jeedinayaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa warbixintaasi kaddib billaabay iney ka doodaan siyaasadda ugu haboon ee loo jiheyn karo geeddi socodka 2016ka, waxaana Mudaneyaasha Baarlamaanka qaarkood ay muujiyeen lagama maarmaan nimada in la helo wadatashi ballaaran oo la xiriira nooca doorashada dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanadka 2016ka.

Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii kulanka Xildhibaannada ku wargeliyey in maalinnimada sabtiga ah in ay  u diyaar garoobaan akhirnta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka,

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah hay’adaha dasuuriga ah ee hadda jira ee looga fadhiyo iney tallooyin ka yeeshaan sida dalkaan ay doorasho uga dhici laheyd sanadka 2016ka haduu Alle idmo.

Previous Post

Dowladda Koofur Sudaan Oo Ammaantay Doorka Ganacsatada Soomaaliyeed ay Ka Qateen Dhaqaalaha Dalkaas

Next Post

Tababar loo furay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Galmudug

Next Post
Tababar loo furay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Galmudug

Tababar loo furay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Galmudug

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In