Shirka Guddigia joogtada ee Barlaamanada Afrika oo ka socda magaalada Johannseburg,oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaal horay xilal ugu soo qabtay dalalka ku bohoobay IGAD iyo mas’uuliyiin horay u ahaa hogaamiyaasha Barlamaanada dalalkooda ayaa diiradda lagu saaray hogaaminta Haweenka Qaaradda Africa,dhul beereedka Afrika iyo cilimada sii kululunaaysa ee Dunida.
Shirkan oo lagu casuumay Gudoomiyaha Barlamaanada Afrika ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomihii hore Barlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad Madaxweynihii hore ee Dalka Botswan waxa ayna qudbado ka jeediyeen Shirka iyagoo a hadlay arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha,waxbarashada,cilimada iyo sidii ay Haweenka Afrika la doonayo in ay hogaanka qabtaan sanada 2063.
Xildhibaan Cabdi Xukun oo ah xildhibaanka ugu qeybgalay Shirka Barnalamanada Afrika ayaa ka hadlay maalgashiga,hormarinta bay’adda beeraha.
“Waxaa loogu hadlay arimaha hormarinta bay’adda hormarinta beeraha maalgashiga qaaradda waxa ka faa’ideysta Wadamada Hindi iyo qaar kale ayadoo Soomaaliya aan wali gaarin arintaas”
Shirkan ayaa la filayaa in natiija wax ku ool ah laga saaro maadamad la filayo in bisha november ee so socoto uu dhaca doono Shirk weyn oo Baralamanka Afrika ay kaga hadli doonan arimo xasaasi ah oo Qaaradda.