Taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay baarayaan, dad shacab ah oo ku dhintay rasaas ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku fureen gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta afaraad ee howlgalka AMISOM Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay guddi u saareen dhacdo ciidamada AMISOM ay ku dileen dad rayid ah, isla markaana ay guddiga soo baari doonaan sida ay dhacdadaasi u dhacday.
“Warkaas waan maqlay, waxaana u saarnay guddi, inkasta oo la ii waramay sida ay wax u dhacday oo ahayd in baabuurta uu istaagi waayay, laakiin sidaas oo ay tahay arrinta guddi dabagala ayaan u saarnay si cadaaladda loo horkeeno, marka anagu ma ogaaleyno in shacabka la waxyeeleeyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Dhimbil.