R/wasare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte qaalib ayaa maanta tababar usoo xiray shaqaale ka tirsan hey’adaha dowladda kuwaasoo tababar kale dhawaan ugu ambabixidoona dalka Kenya.
Tababarkan uu R/wasaare ku xigeenku maanta u soo xiray shaqaalahan ka kooban Soddonka xubnood ayaa ah mid hordhac ah, iyagoo tababar kale dhawaan u aadi doona dalka Kenya, halkaasoo ay ku soo baranayaan aqoonta siyaasadda iyo isbedelka cimillada adduunka.
Muddadii uu socday tababarkan ayaa waxaa casharro ka bixinayay aqoonyahanno ku xeel dheer dhinaca isbeddelka cimilada adduunka, iyadoo tababarkan uu ahaa mid hordhac u ah tababarka kale oo ay kusoo qaadan oonaan dalka Kenya.
R/wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay xiritaankii tababarkaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato dhibaatooyin la xiriira isbedelka cimilada, isagoo kula dardaarmay shaqaalaha tababarka loo xiray iney ka faa’iideystaan aqoonta ka kororsadeen tababarkan iyo kan ay u aadi doonaan dalka Kenya.