Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo laga Xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo laga Xusay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  iyo mas’uuliyiin heer caalami ah ayaa maanta ka qayb galay Munabadaan ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta Calamiga ee Dhallinyaradda Addunka 12 ‘ka Bisha August oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay magalaadda Muqdisho.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisayWasaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa halku dhigeedu waxaa uu ahaa  Sannadkaan “waa laga maarmaan in Dhallinyaradu ay kaalintooda ka qaatan  Horumarka dalka” waxaana heeso isgu jiray waddani iyo kuwa ka turjumaya Doorka wayn ee dhallinyarada  Soomaaliyeed goobta ka qaadayay Qaar ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed oo halkas joogay.

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Qaar ka mid ah Dhallinyarada oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu faraxsanaa sida maanta looga xusay dalka maalintaan qiimaha badan ee Dhallinyarada Adduunka.

Safiirka Jamhuuriyadda jabuuti Dayib Dubad Rooble oo ka hadlaay munabadda Ayaa  hoosta ka xariiqay in Dowladda Jabuuti  ay ka go’antahay gacansiita Dhalinyaradda Soomaaliyeed isla markaana uu socda qorshe lays kugu xirayo Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhallinyarada walaalaha jamhuuriyadda  jabuuti Si ay uga wada shaqeeyaan Horumarka labada dal.

Ergayga gaarka ah ee Xafiiska QM Midoobay ee Soomaaliya Nokolas Kay ayaa  tilmaamay in Qaramada midoobay  ay ka go’an tahay tageerada ay siinayso barnamijyadda lagu Horumarinayo Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa aad ugu dheeraaday ka hadalka kalinta muuqata ee Dhallinyarada Dhinaca horumarka dalka ay ku leeyihiin isagoo qiray in Horumarkasta oo la gaaro dhallinyaro ay Hurmuud uyihiin.

Wasiirka  Haweenka iyo Horumarinta Xaquul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Marwo Sahra Maxamed Cali ayaa   sheegtay in waqtigaan loo baahanyahay  dhalinyaradda Soomaaliyeed  in ay ka qayb qaataan horumarrada dalka ka jira.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux  ayaa shaaca ka qaaday in Dhalinyaradda Soomaaliyeed  ay soo muuqanayso  kaalintii mlooga baahnaa isla markaana ay si diirran uga qayb qaadanayaan iminka dadaallada Dhismaha Dowladnimo ee dalkeenna.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa dhalinyaradda Soomaliyeed u diray hambalyo ku Aadan Maalinta Dhalinyaradda Aduuunka kuwaa oo uu  Tilmaamay in ay Dowlad Nimada Cusub ee Soomaaliya ay Saldhig u yihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed.

IMG_5797 IMG_5853 IMG_5864 IMG_5895 IMG_5905 IMG_5605 IMG_5611 IMG_5612 IMG_5617 IMG_5649

 

unnamed (4)

unnamed (1)

IMG_5653

sawi Qaade:-  Khadar Cali Nuur

 

Previous Post

jaamacadda Soomaaliya oo maanta labo Maktabadood ka furtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo hawlwadeenada Bankiga Dhexe ku Ammaaney waxqabadkooda “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo hawlwadeenada Bankiga Dhexe ku Ammaaney waxqabadkooda “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo hawlwadeenada Bankiga Dhexe ku Ammaaney waxqabadkooda "SAWIRRO"

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In