Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka  iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xiriirka Warbaahinta madaxa banaan Mudane  Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Britain ee Soomaaliya Harriet Mathews, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowlada Ingiriiska uga qeyb qaadan laheyn Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa ugu horeyn ka hadashay kulanka ay maanta la qaadatay Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin la socotay iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

“Waxaan kulan aad u wanaagsan la qaatay xubno uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxaana ka wada hadalnay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, sidoo kale xiriirka soo jireenka ah ee dhaxeeya labada dowladood iyo labada shacab, waxaan kaloo ka wada hadalnay horumarinta Warbaahinta Soomaalida, arrimaha xuriyatul qowlka iyo sidoo kale horumarinta dhaqanka Soomaaliya” ayay tiri Danjire Harriet Mathews.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka  iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in safiirka Britian ee Soomaaliya ay isku afgarteen sidii dowlada Ingiriiska ay usii xoojin laheyd taageerada ay Soomaaliya siiso iyo sidoo kale Horumarinta Warbaahinta Dalka.

“Maanta waxaan halkaan kula kulanay ambaasadoorka Ingiriiska Soomaaliya u fadhisa, waxaana kala hadalnay xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo taageerada had iyo jeer dowlada Britain ay la garab taagantahay dowladda Soomaaliyeed, waxaan isla soo hadal qaadnay in taageerada dowladda Ingiriiska ay siineyso Soomaaliya in la sii xoojiyo, kuwaasoo isugu jira dhinaca ammaanka, horumarinta dowladnimada iyo dhisida hay’adaha dowladda iyo sidii dowlada Ingiriiska ay Soomaaliya uga taageerto horumarinta Warbaahinta” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

 

Previous Post

Xildhibaannada Baarlaamanka oo loo qeybiyay dib eegista miisaaniyadda 2015-ka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Switzerland "SAWIRRO"

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In