Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015’-ka.

Akhrinta Warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2015 waxaa Xildhibaannada u hor yimid Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeto oo Xildhibaannada u sharaxay sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyadda dalka oo ay ugu waaweyn tahay ineysan fulin ballan qaadyadii deeqaha dhanka dibadda ee horey loo ballan qaaday sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in isku filnaansho dhaqaalle la helo oo la isku tashto.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta Wasiirka Maalliyadda kadib bilaabay iney tallooyin ka dhiibtaay islamarkaana su’aallo ka weeydiiyaan Wasiirka warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dalka 2015 waxaana Xildhibaannada ay si gaar ah uga hadleen suurtagalnimada inaan la dhimin mushaaraadka shaqaallaha rayidka ah ee Dowladda iyo Ciidammada oo ay u cuskadeen inaanay noloshooda ku filneyn, sababaha keenay in dowladihii deeqaha siin jiray Soomaaliya ay joojiyaan deeqahooda, aragtiyanse waxey Xildhibaannadu ka sinnaayeen iney haboon tahay in la jaro ama la dhimo gunnooyinka siyaasiyiinta iyo lacagaha ku baxa adeegyada xafiisyada.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii tilmaamay in guddiga Maalliyadda lagu wareejinayo warbixintan si ay ugu soo daraan tallooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

Sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka marka dhageysiga warbixinta laga gudbo oo u dhigan akhrinta koobaad ee hindise sharci ah waxaa lagu wareejinayaa guddiga Golaha Shacabka ugu qaabishan howshaasi oo iyagu kusoo dari doona tallooyinka la jeediyey waxaana guddiga Maalliyadda ay si gaar ah wadashaqeyn dhow arintan ugala yeelan doonaan Wasaaradda Maalliyadda.

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Next Post
Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In