Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015’-ka.

Akhrinta Warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2015 waxaa Xildhibaannada u hor yimid Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeto oo Xildhibaannada u sharaxay sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyadda dalka oo ay ugu waaweyn tahay ineysan fulin ballan qaadyadii deeqaha dhanka dibadda ee horey loo ballan qaaday sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in isku filnaansho dhaqaalle la helo oo la isku tashto.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta Wasiirka Maalliyadda kadib bilaabay iney tallooyin ka dhiibtaay islamarkaana su’aallo ka weeydiiyaan Wasiirka warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dalka 2015 waxaana Xildhibaannada ay si gaar ah uga hadleen suurtagalnimada inaan la dhimin mushaaraadka shaqaallaha rayidka ah ee Dowladda iyo Ciidammada oo ay u cuskadeen inaanay noloshooda ku filneyn, sababaha keenay in dowladihii deeqaha siin jiray Soomaaliya ay joojiyaan deeqahooda, aragtiyanse waxey Xildhibaannadu ka sinnaayeen iney haboon tahay in la jaro ama la dhimo gunnooyinka siyaasiyiinta iyo lacagaha ku baxa adeegyada xafiisyada.

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii tilmaamay in guddiga Maalliyadda lagu wareejinayo warbixintan si ay ugu soo daraan tallooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

Sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka marka dhageysiga warbixinta laga gudbo oo u dhigan akhrinta koobaad ee hindise sharci ah waxaa lagu wareejinayaa guddiga Golaha Shacabka ugu qaabishan howshaasi oo iyagu kusoo dari doona tallooyinka la jeediyey waxaana guddiga Maalliyadda ay si gaar ah wadashaqeyn dhow arintan ugala yeelan doonaan Wasaaradda Maalliyadda.

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Next Post
Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In