Kulan oo looga soo hor jeediyey mooshinkii dhawaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay magaalada muqdisho kaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada Qaranka, waxana ka qeyb galay odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin kala duwan.
Dhammaan dhalinyaradii iyo odaayaashii kulanka ka hadlay ayaa isku aragti ka ahaa in mooshinkaan ay wadaan qaar ka mid ah mudanayaasha barlamaanka uu yahay mid xasilooni darri siyaasadeed dalka lagu galinayo, iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada wada inay ka tanasulaan.
Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi oo ka mid ahaa odaaayshii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mooshinkaan uu yahay mid nasiib darro ah loona baahan yahay in xildhibaanadu ka laabtaan, waxa uu intaas ku daray in haddii la joojin waayo waxa ka dhalinkara ay tahay in xildhibaanada ka dembeeya mooshinkaan loogu tagi doono halka ay daggan yihiin.
Gudoomiyaha degmada Waabari Xaawa kinl Maxamed Cali ayaa iyana sheegtay in odayaasha iyo dhalinyarada qaranka ay isku ku raacsan tahay in laga wanaagsanaa go’aanka mudanayaasha qaarkood ay ka qaateen madaxweynaha kaas oo ahaa inay ridayaan.
Sidoo kale gudoomiyaha ururka dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed Faadumo Cabdi Warsame Qaran oo kulanka soo xertay ayaa sheegtay in dhainyarada Soomaaliyeed meel waliboo ay joogaan ay ka soo hor jeedaa mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ee loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka.
Sawirqaade Farxaan Suleymaan Daahir