Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo cambaareysay qaraxii Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Dowladda oo cambaareysay qaraxii Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Soomaaliya ayaa  si xooggan u cambaareysay weerarkii  argagixisonimo ee saaka ka dhacay magaalada Kismayo, kaas oo  ay ku dhinteen askar iyo dad rayid ah.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa yiri “ Weerarka argagixisonimo waxa uu saaka ka dhacay goob ay askari tababar ku qaadanayeen oo ku taalla Kismaayo, waxaana fuliyay qof nafti hallige ah oo argagixisada Shabaab ka tirsan”

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,waxa uu sababay dhimashada dhowr askari iyo dad rayid ah oo goobta ka dhowaa. Wasiir Maareeye, ayaa tacsi u diray eheladii  dadkii ku ku geeryooday  weerarkan argagixiso, waxa uuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

“Waa Fal kale oo kooxda argagixisada ah ee laga itaalka roonaaday ku dooneyso in ay ku muujiso jiritaankeeda, laakiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxaa ka go’an in ay sii wadaan la dagaallanka argagixisada Alshabaab, ilaa laga sifeeyo geyiga Soomaaliya iyo gobolkaba” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Daxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaa ku daray  “Weerarka kooxdu ku qaadday  xaruntan askarta lagu tababaro waxa ay uga gol leedahay in ay wiiqdo  dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo xoog leh, balse taasi uma suurto geli doonto,dowladda iyo maamullada gobollada oo isku duubanna waxay sii wadi doonaan  dadaallada dhismaha iyo isku dhafka ciidammo qaran, oo awood u leh in ay dalka ka difaacaan cadow kasta oo ay argagixisadu ugu horreyso”

Previous Post

Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Kismaayo

Next Post

Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Next Post
Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq  Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Hay'adda Wadahadalka bulshada oo deeq Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In