Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Wadahadalka bulshada oo deeq  Dhar ah u qaybisay Carruur lagu xanaaneynayo Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’ada Wadahadalka bulshada ee CCD ayaa maanta dhar u qeybisay Carruur horay darbijiif u ahaa oo hada lagu xanaaneeyo waxna lagu baro xarun ay dhawaan Marwada Madaxweynaha dalka Zahra Cumar Xasan ka hirgalisay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir waxaana munsaabada Caruurtaasi dharka loogu qeybinayay goobjoog ka ahyed Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Muumino Sheekh Cumar.

Guddoomiyaha Hay’ada CCD Ciise Axmed Cumar oo markii ay carruurta dharka u qeybiyeen kaddib la hadlay warnaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyay Marwada Madaxweynaha oo Xaruntan furtay isagoona sidoo kale ku baaqay in laga wada qeyb qaato caawinta iyo xanaaneynta Carruurtaasi darbi jiifka aha.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Wasiir ku xigeenka haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka Muumino Sheekh Cumar oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadcelisay Hay’ada CCD waxayna intaasi kaddib shaacisay inay qorsheynayaan in Carruurtan darbi jiifka ahaa la baro farsamooyin ay ku shaqeysan karaan.

Xaruntan lagu xanaaneeyo waxna lagu baro Carruurta Darbijiifka ah oo Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir dhawaan ay ka furtay Marwada Madaxweynaha dalka Saharo Cumar Xasan ayaa hadda waxaa ku nool 100-Carruur ah oo noloshooda ay soo wanaagsanaaneyso islamarkaana heysta qolal ay jiiftaan iyo fasalo ay wax ku bartaan intaba.

Previous Post

Dowladda oo cambaareysay qaraxii Kismaayo

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In